Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 26 January 2025

Nin Mareykan Ah Oo Ictiraaf U Raadinaaya Dal Uu Ka Sameystay Xuduuda Masar Iyo Suudaan

Monday - July 14, 2014

Nin u dhashay dalka Mareykanka ayaa dal ka sameystay dhul ku yaala xuduuda Masar iyo Sudan isuna caleema saaray boqorka dalkaas.

Ninkan ayaa sheegay in dhulkan uu yahay mid aysan dowladna lahayn, asigana uu sidaa ku qaatay, dalna uu ka dhigtay, una sameystay calan.

Jariidada Washigton post ayaa qortay in ninkan oo lagu magacaabo Jerramy Heaton uu arintaas u sameeyay si uu ugu rumeeyo riyada gabadhiisa ahayd in ay noqoto ina boqor.

Jerramy ayaa sheegay in uu goáan-saday in si walba oo ay ku qaadato uu u xaqiijinayo riyada gabadhiisa, kadibna uu bilaabay in uu khariidada caalamka ka raadiyo goob aan cidna lahayn oo uu boqor ka noqdo, gabdhiisana ay u xaqiiqowdo wixii ay jecleyd.

Ninkan ayaa markii dambe helay goob ku taala xuduuda Masar iyo Sudan oo lagu magacaabo ceelkii dheeraa(bi’r Al-tawil), waxa uuna sheegay in qaanuunka aduunka u fasaxayo maadaama uusan dhulkaasi si rasmi ah u raacsaneyn.

Dalkan uu sameystay oo uu u bixiyay North Sudan ayuu sheegay in uu dal rasmi ah noqon doono 16 June 2014.

Goobtan ayaa ah dhul yar oo cabirkiisa gaarayo 200 mitir, oo uusan dalna lahayn laakiin ay ahayd in Qaramada midoobey iyo dalalka deriska la ah ay u aqoonsadaan in ay ka tirsan tahay dalka Sudan.

Boqorkan iskiis isu caleema saaray ee Jerramy ayaa sheegay in uu damacsan yahay in uu arintaasi ogeysiiyo ururka midowga afrika kadibna uu xiriir saaxiibtinimo la yeesho dalalka Sudan iyo Masar., Isagoo intaa ku daray in uu doonayo in dhulkaas uu ka dhigo beer, taas oo ah waxa ay dooneyso gabadhiisa.