Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 27 January 2025

Gorgorkii General Saacid Oo Ku Tiraabay: Nin Sharciga Ka Dhukani Haddu Jiro Anba Maan Is Dhago-maro

Tuesday - July 15, 2014

Warar laga xiganaayo ilo lagu kalsoonaan karo ayaa si hoose u sheegaya in general saacid Taliyihii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed uu dhagaha ka niibtay inu xilka ku wareejiyo Taliyaha Cusub ee la magacaabay oo uu dhawaan soo caleemo saartay Qiyaash Maashka Cabdiweli Shiikh .

Gen. Saacid oo gar culus geedka soo dhigay ayaa ku andacoonaya inu diyaar la yahay xil-wareejinta balse aysan soo gaarin wareegto qodobeysan ka soo baxday xafiiska madaxweynaha oo xilka looga qaadaayo, iyadoo u xusay in magacaabis-tiisa ay marki horaba ka timi dhinaca madaxweynaha oo awood sharci u leh inu isagu magacaabi karo taliyaasha ciidamada, waxaana warku intaa ku daraya in ila hadda madaxweyne Xasan Shiikh lafahaantiisa ka gooys-haysto qaabka iyo la tashi la'aanta badalku u dhacay iyo gaar ahaan sarkaal lagu badalay Saacid oo ah mid dufaani wadato kuna shaabadeysan sumcad xumo bulshada somaalida dhexdeeda iyo guud ahaan beesha caalmka iyo weliba horjooga-yaasha gaashaanbuurta falfalosta NATO qaabilsan geeska Afrika oo filan-waa ka hor yimi, kana shakisay sarkaalkaas dhawaanta la magacaabay sida la filaayana ay dartiis u laali-doonaan wixii ay mucaawino siin-lahaayeen ciidanka bolisk.

Waxaa bulshada somali inteeda badan ku jidbeysan-yihiin su'aasha sida ay wax u dhaceen oo ay garan la'yihiin ku soo boodka xil ka qaadista Jeneral Saacid u la soo durduriyey Qiyaash Maashka Cabdiweli isagoo bismilaahi oran aan eegin karaamada iyo hawlkar-nimada mudadi u shaqada hayey uu muujiyey sarkaalkaas, isla markaana xaajadaas fal-nacaska ah uusan cidna kala tashan, balse la soo boola-xoofteeyey xaajo aan waqtigeeda loo joogin iyo aragti ku saleysan is boox-boox iyo kama camal falsafadi hore ee guulwadeynta ee ahayed Ob jac digtoonow dib u jeenso amar-diido-weye iyo kii su'aal ka keena magacaaga ii sheeg anti-baan ku qorin.

Waxaana muuqata badalka jeneral Saacid in bulshada ku dhaqan mogdisho, baarlamaanka, madaxweynaha iyo boliskaba sida hawlkarnimo loogu aqoonsanaa ay la cajabeen waxa keenay iska soo bareerka iyo halka salaadu ka xirmi la'dahay oo keentay in Qiyaash Maaska u ku dag dago badalka sarkaal amaanan ku maamusan shaqadiisa .. faalo kala duwan oo inta badan isku wada sumad ah ayaa badalkaas sharaxaad laga bixiyey, waxaase warku u badanyahay oo arinta loo sababeynaya waa sida la yiriye, in Qiyaash Maash Cabdiweli u ka war helay in Jeneral Saacid u khasnada boliska dhawaan soo galin-doono dhaqaalo malaayiin doolar ah oo ka soo gaareysa dhinaca dalalka kala ah Mareykanka iyo Yurub oo sida la sheegay lacgtaas Qiyaash Maasku hunguri Juq-Juq ku riday, oo dabadeed u halkaas door biday inu xantoobo weyn ka helo, taaso isu tustay inu jagada boliska u diibo Sarkaal maafiyada Guutada cas ah (biri-gato-rosa) xigtana u ah oo macmacaankaas malabka soo dhici-doona la wada biyo-batalaq-sado, madaamo general Saacid u sharciga dacalka haysto oo u dhaqan ahaan diidanyahay in hilbaha nafta-hurayaasha boliska rag ku hamuumaan, waa sida ay sheegaane General Saacid waa sarkaal aan asraar iyo been hab tuuganimo ku xalaaleysan hantida boliska tabaaleysan .. dhinaca kale haddi la eego General Saacid waxuu ka soo jeeda Reer Qureysh barxan ah ilahay ka kor yeelay gar-daro, reer xaq oo la aaso neceb iyo cadaalo daro ay kula kacaan ummad aan wax aan wax geysan .. General Saacid waa geed aanu gubi-kareyn gacan ku dhiig-layaal .. waa geed ku baxa geesinimo oo gobi taqaano .. waa geed ku baxa gaclnimada iyo nabad gudoonkeeda .. waa sarkaal samir badan dulqaad leh cidna kuma xad gudbo .. waa nabad jeclyahay oo aan ku dagdagin colaad iyo qas ay dhibaato ka dhalato.