Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 27 January 2025

Fawsiya Xaaji Aadan: Monitorin Group Waa i Hafrayaan Waan Dirirayaa Waana Dacweynayaa

Thursday - July 17, 2014

Mogadisho- Wasiiradii hore ee arimaha dibadda Fowziyo Xaaji Aadan oo maanta shir jaraíd ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in maxkamad ay la fuuleyso madaxda gudiga u qaabilsan cunaqabateynta hubka ee soomaliya iyo Erateria.

Fowziya ayaa ku dooday in warbixinta gudiga ay tahay mid looga soo horjeedo madaxbanaanida soomaliya, ayna tahay been aan xaqiiqo ku saleysneyn, dacwadna ay ku furi doonto cidii soo diyaarisay.

Fowziya ayaa dhinaca kale sheegtay in ay tahay markii labaad ee laga been abuurto,ayna u dulqaadan doonin.

Wasiirkii hore ee arimaha dibadda, haatana ah xildhibaan baarlamaan ayaa sheegtay in warbixinta Monitoring Group lagu soo sameeyo Nairobi, ayna ku dhisaantahay been, kutiri-kuteen iyo xan.

Hadalka xildhibaanada ayaa imaanaya iyadoo warbixin hor dhac ah oo ay wakaalada wararka ee Reuters ka sameysay soomaliya ay ku sheegtay In iyada, Xasan Culusow iyo shakhsiyaad kale ay lunsadeen hanti qaran oo ay leedahay soomaliya.