Jeneral Saacid Ma Waxuu Ahaa Askari Madaxtooyada Waardiya Ka Ahaa Oo Seexday Mise... By C.A. Jangali
Thursday - July 17, 2014
Waxaan maqalnaa marwalba saraakiisha dowladda (Army forces or civilians) oo la magacaabay kuwo cusub ama la ruqseeye kuwii xilka hayey. Haseyeeshee ma maqalno fadhi golaha wasiirada oo laqabtay loogana dooday xil u dhiibid saragaal cusub ama xil ka qaadid sargaal la nacay. Waxaad moodaa madaxda xamar xukunta in aysan ku dhaqmayn Dastuurka ku meelgarka ah oo yaga lagu doortay. Dastuurka qodobkiisa 99 wuxuu qeexayaa xarfaha hoos ku qoran oo aan soo min-guuriyey:
Qodobka 99aad. Xilalka Golaha Wasiirrada
Golaha Wasiirradu waxa uu leeyahay awoodaha soo socda:
(a) Dejinta siyaasadda guud ee Xukuumadda iyo dhaqangelinteeda;
(b) Ogolaanshaha iyo fulinta xeerarka maamulka, si waafaqsan shuruucda;
(c) Diyaarinta hindiso sharciyadeed (draft law) iyo soo-hor-dhigiddooda Golaha
Shacabka;
(d) Diyaarinta miisaaniyad-sannadeedka iyo xisaab-xirkooda;
(e) Dejinta qorshaha guud oo lagu hormarinaayo dalka;
(f) Dhaqangelinta shuruucda, sugidda nabadgelyada dalka iyo ilaalinta danaha
Dawladda;
(g) Magacaabidda iyo xil-ka-qaadidda saraakiisha sare ee Dawladda;
(h) Golaha Wasiirradda waxay soo jeedinayaan magacaabidda/ xil ka qaadidda
danjirayaasha, qunsiliyadda guud iyo diblomaasiyiinta.
Hadaba ayda oo sharciga magaacabidda ama ka-qaadidda saraakiisha sare ee dowladdu sidaas ugu qeexanyahay Dastuurka ku meelgarka ah si looga fogaado: Wax-matare, Tuug, Dhaqan-xume, Qibiiliste, iyo Dhiig-yacab iwm, ama la-ruqseeyo qof waxtar leh oo dadaal iyo karti dheeraad ah muujiey ayey ahayd in ma-talan: Wasiirka Arrimaha Dibaddu uu horkeen golaha wasiirda magacyada Safiirada iyo Qunsuliyadaha kuwa cusub iyo kuwa tegaya labadaba golaha Wasiirada. Ama Wasiirka Arrimaha Guduhu uu soo magacaabo Taliyaha iyo saraakiish sare ee Poliska, si looga doodo taariikhda iyo wax qabdka shaqsigaas dabadeena si wadajir ah fadhi galaha wasiirada lagu ansixiyo. Laba wasaradood baan soo qaatay lakiin waa ariin wasaradaha oo dhan qusay-sa.
Baal-maridaa iyo ku dhaqan la-aanta Dastuurka ku meelgarka ahi waxay horseedaysaa is-qabqasiga iyo awood marooqsiga ragaadiyey hawlahii dowladda iyo niyad jebka shacabka oo ay ku quusaneyso.
Waxaan la yabay sida deg-deg ah ee loo ruqseeyey labadii Jen. Saacid iyo Goobe iyo magacaabidda Col. Maxamed Xassan. Saacado kaddib qaraxii madaxtooyada ayaa la sameeyey ruqseyn iyo magaxaabid sarakiishi ugu sareysay amniga. Ma aanaan maqal Golaha Wasiira oo ka dooday ruqsaynta iyo magacaabidda ragaan. Haddi ay u qabaa Madaxweyne Xassan iyo R/W Cabduweli intay qaanunka ku tuntaan in aan loo jeedin Dibadda iyo gudahaba waa khaldanyihiin ee haysdaba qabteen.
Tariikhda Taliyaha Poliska ee cusub jeneral Maxamed Xasan, Soomaali oo dhan baa taqaan, wasiirka Arrimaha Gudahana u maleyn maayo in uu soo jeediyey magawgiisa, R/W Cabduweli-na waa yaqaaney Jenaral Mahamed Xasan iyo Tariikhdiisi "mafia-da" ku salaysneyd ee dukaamada dadka laga tirabadanyahay (Reer xamarka, Carabta, Hindida, Talyaaniga) baada joogtada ah ka qaadi jiray ee kas buu ugu magacaabay
Taliyaha, haddi golaha la keeni lahana aan hubo in la diidi-laha.Photo, Waxaa is weydiin leh saraakiisha la ruqseeye Jen. Saacid iyo Jen. Goobe ma askar waardiyeye madxtooyada ka ah bay ahaayeen oo seexday markii la soo weeraray madaxtooyada? Mise Siyaasad cad oo dowladdu dejisay bay ka horyimaadeen? Haddi madaxda sare lagu ruqseynaayo qaraxyada Al-Shabaab, ha is ruqseeyeyn Madaxweyne Xassan iyo R/W Cabduweli ayagaa ka sii sarreye sarakiishaane. Aaweyse AMISOM ciidamadeedi ay ku dhaaranayey ayaga keli-yana ilaalinayey Balaayiinta Dollar-na qaadenyey taasoo horseday in aan ciidankii Soomalidu dhismin.
Waxaa quus ah Baarlamanka uu wax-matare Jawaari hogaaminayo oo in Dastuurka ku meelgaarka aha hortooda Madaxweyne Xassan iyo R/W Cabduweli baal maryaan siyaasad looga guuleysan karo Al-shabaab-na aysan Saraakiisha dowladda iyo shacabka toona u soo bandhigin sir iyo saac-toona oo ka duwan daagal iyo hebel hebel ku baddal asagaan jeclahayey ama qaraabo nahayey.
Nidaama iyo siyaasad ka duwan tii shaqeyn weyday baa wixii jiray badale qof qof lagu badaley micno ma sameyneyso waan waxa Soomallida rogay ragaadiyeyna deganaanshaheedii.
Cabdulqaadir Aaden "Jangeli"
[email protected]