Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 27 January 2025

Degmada Boondheere Oo Gacanta Ku Dhigtay Xubin Ka Tirsan Al-Shabaab

Sunday - July 20, 2014

Muqdisho- Maamulka degmada Boondheere ee Mogdisho, ayaa sheegay maanta oo Axad ah in ay gacanta ku dhigeen xubin sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kaasoo qorshayaal ka maleegayay gobalka.

Guddoomiyaha degmada Boondheere Qaasim Cabdullaahi Xasan oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in gacanta ay ku dhigeen ninkaas argagixisada ka tirsan ka tirsan oo maalmahaanba ku dhuumaa-leysanayey degmada gudaheeda

Wuxuu sheegay ninkan qabashadiisa in ay door weyn ku lahaayeen dadka degmada Boondheere kuwaasoo hey’addaha ammaanka ku soo wargaliyay.

Wuxuu sheegay oo kale in ninkan uu ka yimid degmo kale isla markaana uu damacsanaa in uu degmada ka geesto falal ammaanka lid ku ah.

Guddoomiyaha degmada Boondheere ayaa hoosta ka xariiqay in ninkan oo uusan sheegin magaciisa in la soo taagi doono maxkamad oo sharciga la marsiin doono sidda uu hadalka u dhigay.

Sida la ogyahay Ururka Al-Shabaab ayaa kordhiyay bishan Ramadaan weerarrada iyo dilalka ay ka geesataan magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale, guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa sheegay in haddii la soo qabto Shabaab in xukunkiisa uu noqon doono dil.

Wuxuu sheegay qofkii Shabaab soo dila in uu la mid yahay qof janno gala “Shabaab oo aad dishaan ayaad janada u jirtaan” ayuu yiri Muungaab.

Muungaab ayaa shacabka Muqdisho ugu baaqay in ay meesha ay ku arkaan Shabaab ku dilaan oo ay ku ciriiriyaan.