Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 27 January 2025

Taliyihi Hore Ee Nabadsugida Qaranka Jeneral Bashir Goobe Oo Ka Mid Noqday Baarlamaanka Somaliya

Tuesday - July 22, 2014

Mogadisho-Taliyihii hore ee Ciidanka Nabad Sugida Qaranka Jen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa maanta loo dhaariyay in uu kamid noqdo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya maalmo yar un kaib markii laga qaaday Xilkii Taliyaha Hay'ada Nabad Sugida. Baarlaaanka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho waxa ay ku yeesheen Kulan lagu xirayay kalfadhigii afaraad ee Baarlamaanka Soomaaliya , waxaana kalfadhiga Baarlamaanka si rasmi ah u xiray Madaxweynaha Soomaaliya.

Kulanka Baarlamaanka maanta intii uu socday ayaa lagu dhaariyay Taliyihii Ciidanka Nabad Sugida Jen. Bashiir Maxamed Jaamac oo hada kadib kamid noqonaya Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Kursiga loo dhaariyay Bashiir Goobe waxaa horey ugu qornaa kana mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya nin walaalkiisa ah oo lagu Magacaabo Qaasim Maxamed Jaamac oo hada iska casilay ka mid ahaanshaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Dad badan ayaa aaminsan in qorshaha uu Jen Bashiir Goobe uga mid noqday Baarlamaanka ay tahay mid uu ku doonayo in uu ku sii dhex jiro Siyaasada Soomaaliya, waxaana horey Xildhibaanada Baarlamanaka ugu biiray Xubno Xilal ka hayay Dowlada oo markii laga qaaday Baarlamaanka ku biiray.