Weerarki Lagu Dilay Saado Cali Oo Faalo Kala Duwan Laga Baxshay
Wednesday - July 23, 2014
Mogadisho- Kooxdii sidi bahalada u halab-sanaya ee Weerartay marxuumada Saado Cali ayaa waxaa la sheegaya kadib tilmaan la helay in lagu raad-joogo dhagar-qabayaashaas falka dilka u geystay fananadaas oo wadada Maka Al-mukarama Lagu Toogtay Saacado Ka hor.
Warar hoose iyo baaritaano laga helay dadkii agagaarka goobta dilka joogay ayaa cadeeyey in raga gabadha dilay ay ku labisnaayeen dharka milatariga isla markaana dilkeeda ay u adeegsadeen hub culus, rasaas balaleysa oo si daran-doori ah naxariis daro ah u dhaceysey, iyagoo daboolka ka si qaaday in baabuurka hawlgalka lagu filiyey u ahaa noocyada baabuurta Raaxada.
Dilka Saado Cali ayaa warar fara badan laga bixinaya waxaase sheekadu u badantahay in dilkaan maanta dhacay aan loo badineyen dhinaca Al-shabaab, walow qaar badan ay leeyihiin shirqoolka lagu dilay waxaa laga soo abaabulay dhinaca somaliland oo ay dhawaanta heeso lidi ku ah ay u tirisay Siilaanyo, iyagoo intaa raaciyey iney horay dad ugu sir warantay in taleefoon looga soo diray hargeysa oo lagu yiri waad eedeysa hadalada xun iyo heesaha aad nagu maagtay, hasa ahaate kuwa kale ayaa iyagana dhinacooda la af-booday in dilkeeda ay ka dambeyaan shakhsiyaad si gaara waaya-haanba u ugaarsada xildhibaanada mucaaradka.