Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 27 January 2025

Gabay Baroordiiq Ah Oo Loo Tiriyey Saado Qaran By Abwaan Axmed M. Nadiif

Friday - July 25, 2014

Ka Dib marki Dhowaan Magalada Muqdisho Lagu dilay Alla Ha u Naxariistee Xildhiban Saado Cali Warsame oo ka mid ahayd Barlamanka Soomaalia Sidoo kalena ahayd Fanaanad Soomaaliyeed ayaa Waxaa Gabay Qiiro leh oo Tacsi ah ka titiyey abwaan Axmed Maxamed Nadiif oo ka mid ah abwaanada suugaanta ee Gobolka Cayn.

Wuxuuna oranayaa sida tan

Saado Geeridaadii Qalbigu way Siloonyahaye
Soomaali oo idilna Waa Saatan aan ahaye
Saacad bay Naftani leedihiyo Saami loo Jaraye

Sababtaad ku Dhimataanan Garan Saado Caliyeeye
Sida uu Dilkaagii u Dhacay waa si Qara-Wayne
Sawirkaan kasoo helay Doraad Suuqa Xamar-wayne

Dhiigii Sum-Sumayaan ilmada Sayrayaa Wali!
iyadoo Salaad Tukatay oo Sooman Ramadaanka

kuwii Saado Dilay ee Rasaas Saabka kaga Jiiday
Sahal kuma Dileen ee Qorshuhu waa Sal wayn yahaye
Soo sheegadkii Ururka Jaan Waa Sir iyo Caade

Surinkaas Waqooyaa Iblays ii Sawirayaaye
Soomaali oo idil midii Calanka aan Saarnay
Safka hees wadaniyeed Midaan Sinaba loo waayin

Sawd Qurux leh Gabadhii ilaah Saamiga u siiyey
Suugaanta inantii wax badan Sare u Qaadaysay
Saado Qaran Siday ula Dheceen Sulub Rasaaseed?

Soomaali adigoo u siman Sabiyo Waayeelba
Dadka Sool.Sanaag iyo ku Nool Sabada Caymeedba
Saado Geeridaadii Dhaaman Way la Salalaan

Shaxda Sabaradeediyo ilaa Soonka Qararooyin
Dadku Waxay Su.aalaan Maxaa Saado Loo dilay?
Saadooy ilaah Baan Baryeye Saqara Waydaaro

Su,aalaha Si fudud uga Jawaab oo Sax Gabigoodba
Subxaankeeni waynaa Janada sooryo kugu siiyey
Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin

Abwaan Axmed Maxamed Nadiif