Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 27 January 2025

Nabadi Libiya Oo Fadarawday Iyo Caasimada Oo Weli Ku Si Bes-beelaysa Walan-Waalinta Fitno Dagaal

Tuesday - July 29, 2014

Tripoli- Xaafadaha ugu caansan caasimada dalka Liibiya ee Tripoli ayaa weli waxaa ka socda dagaalo kulul oo fooda is daraya guutooyin maleeshiyaad si xoog leh u hubeeysan taasoo lagu guuldareeystay in la xaliyo khilaafkaas dhinacyada u dhaxeeya, iyadoo la sheegay in dagaaladaas ay salka ku hayan hangoolada Qabyaaladeed ee ay daab-keeda wada haystaan iyo siyaasado kale oo qarsoon.

Dagaalka xoogiisa ayaa waxa uu ka socdaa deegaano ku xeeran garoonka diyaaradaha ee Tripoli International Airport, waxaana caasimada Liibiya Safaaradihii kala baxay wadamo dhoor ah oo xarumahooda madaafiic ay ku soo dhaceen. Amaanka dalka Liibiya ayaa faraha ka sii baxaya ka dib markii 3 sano ka hor xukunka dalkaas si xoog ah looga tuuray madaxweyne Mucamar Al-Qadaafi oo in mudo ah xukumayay dalka Liibiya.