Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 27 January 2025

Xildhibaan Dalxa: Dastuurkeena Ma Dhigaayo Hal Gobol Iyo Bar In Uu Maamul Goboleed Noqdo

Thursday - July 31, 2014

Mogdisho- Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa qaadacay heshiis shalay magaalada Muqdisho ay ku gaareen matalayaasha goballada K/Mudug iyo Galgaduud.

Dalxa waxa uu sheegay in dastuurka uu ka fog yahay qorshaha maamul u sameynta goballadaasi, isagoo tilmaamay in la baal maray dastuurka Soomaaliuya ee dalka u degsan.

Xildhibaan Dalxa waxa uu sheegay in Hal Gobol iyo Barr aan lagu tilmaami karin Maamul Goboleed waa in marka Hore la soo buuxiyaa Shuruudaha Maamul Goboleedka, waxaa Maamul Goboleed noqon kara ugu yaraan labo Gobol.

Gobolka Mudug intiisa badan waxaa ka dhisan Maamulka Puntland, waxaana jira Degmooyin badan oo dhawaan ku Biiray Puntland sida Degmada Towfiiq, lama yaqaano sida Maamul Goboleed loogu tilmaami doono hal Gobol.