Salaan Gaara .. Puntlandey Ha Jabin .. Puntland Oo U Dabaal Degtay Sanad Guuradi 16-aad Ee.......
Saturday - August 2, 2014
Garowe- Dowladda Puntland ayaa maanta u dabaal dagtay sanad guuradii 16-aad ee kasoo wareegtay aas aasaaskii dowladda Puntland ee sanadkii 1998.
Sanad guurada dabaal dega oo ahayd mid si balaaran loo soo qaban qaabiyay ayaa lagu dhigay fagaaraha barxada Garowe waxaana ka qeyb galay kumanaan ruux oo ka socday qeybaha bulshada.
Ciidanka nabad galyada ayaa si feejigan amaanka ilgaar ah ugu hayay halka lagu qabanayay sanad guurada. Waxaana si kmg ah loo hakiyay dhaq dhaqaaqa gaadiidka dadweynaha kadib amar kasoo baxay laamaha amniga.
Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas , ku xigeenkiisa Cabdi Xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camey iyo saddexda gole dowladda ayaa ka qeybgalay sanad guurada.
Fagaararaha barxada waxaa socod kumaray iyagoo watay calanka Puntland iyo hal ku dhigyo kale , ardayda qeybahooda kala duwan, shaqaalaha dowladda, xaafadaha Garowe, ururada shaqaalaha, Fardooleyda, shirkadaha ganacisga, kooxaha kubadda cagta, Barakacayaasha iyo cutubyo katirsan ciidanka qalabka ee dowlada Puntland.
Munaasabada kowda August waxaa si toos ah looga daaweynayay intooda badan Tv-yada Soomaalida iyadoo sidoo kale si toos ah looga dhageysanayay idaacaddaha maxaliga ah ee kuyaala Puntland.
Gudoomiyaha guddiga qaban qaabada xaflada Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa sheegay inay xafladu noqon-doonto saddex qeybood oo sacondoonto ilaa iyo caawo, Wuxuuna ku daray galabta in garoonka Mirre lagu qaban-doono ciyaar maamuus ah oo lagu weynaynayo dhalashada Puntland.
Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas oo hadal kooban ujeediyay kumanaanka shacabka ah ayaa ugu hambalyeeyay xuska aas aaskii Puntland, Wuxuuna madaxweynuhu sheegay inuu qudbadiisa u dhigandoono caawo gaar ahaan xaflada lagu qabanayo xarunta barlamaanka.