Mucjisooyinka Liin-Dhanaanta .. Waa Daawo Aan Laga Heli-karin Takhaatiirta
Saturday - January 5, 2019
Faaiidooyinka Iyo Mucjisada Ay Leedahay Liin-Dhanaanta:
1- Hagaajinta Dheefshiidka.
Biyaha liin dhanaantu waxay dajisaa oo ay si fiican uga shaqaysiisaa dheef shiidka ama ridqida cunta aad cuntay waxayna kasaartaa caloosha wixii khalkhal ah ee Ku yimaada sida:-
Daacada badan
Calool istaaga
Waxay daweysa nabarada caloosha kana disha Bacteeriyada iyo noolayaasha il ma-aragtayga ah ee dhaawaca xubnaha bani-aadamka .. Waxay jirka ka saartaa yalaalugada ama labalabada.
2- Dheelitirka Heerka phka:
Liintu waa nooc kamida cuntooyinka loo yaqaano ALKALIZING FOODS ee jirka Asal ahaan waxay ka samaysan yihiin acid laakiin maaha acid jirka gudihiisa waa alkaline.
Liinta waxa Ku jira maadooyinka CITRIC ACID iyo Ascorbic acids.
Aysira ( acid) dhex gashay jirka ee liin dhanaantu waxay la dagaalamaan madooyinka aysiirleyda ah (Acidity ) ku waasoo keena cuduro faro badan sida cudurada ku dhaca isgoysyada ama laabatooyinka lafaha iyo qaar kaleba.
3- Kor U Qaadida Difaaca Jirka.
Biyaha liin dhanaanta waxaa aad ugu badan oo ay hodan ku tahay maadada loo yaqaano VITAMIN C. Vitamin c wuxuu kor u qaadaa soo saarista unugyada cadcad ee dhiiga.
waxaa hubaala cabitaanka biyaha liin dhanaantu inay awood dheeraada siinayso unugyada difaaca jirka.
4- Ka Hor Taga Kansarka (cancer).
biyaha liin dhanaanta waxa ku jirta oo kale maadada (citrous liminoids) oo ah maado jirka meesha dhaawacantay ka ilaalisa inuu teetanada iyo infectionka badan iskuna bedeli kara CANCER.
joogtee cabataanka biyaha liin dhanaanta ama shaah bigeyska ama madow ku tuuji jeex liina.
5- La Dagaalanka Infectionka Ku Dhaca Laabta Iyo Cunaha.
Haddii aad isticmaasho sigaarka ama qaadka waa xaqiiqa inaad leedahay xanuun saableyda ah sida neefta oo kugu culus sambabo xanuun laabta oo ku damqata haddaba si aad uga bogsooto idanka ALLAH waxaad isticmaashaa biyaha liin dhanaanta subaxii tuuji xabad liina ama lababa koob biyo ah ku dar sonkor ama malab ku dar hal malqaacad ama qaado deedna cab waxaad dareemi nafis iyo daganaan xaga laabta aha.
6- Ka Hortaga Ama Hoos U Dhiga Xanuunka MACAANKA
Waxaa liin dhanaanta ku jirta maado loo yaqaano bioflvonoid waana maadada midabka huruuda ah u samaysay liinta dhanaanta.
Bioflovonoid waxay kor u qaadaa maadada la yidhaahdo INSULIN oo ah maadada hoos u dhigta sonkorta soo gasha jirka taasoo hadii la ay daciifto aynu dhahnaa qofkaa macaanbuu leeyahay. sidaa daraadeed qof macaanka leh waxa haboon inuu hal xabo ama jeex liina ku tuujiyo biyo diiran subaxdii inta uuna wax kale afka galina uu cabo. Qofka aan lahayna waxay u noqonaysaa ka hortag buuxa oo macaanka aha.