Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 25 October 2024

Allaha Ha U Naxariiste Wariye Cabdi Xaaji Gobdoon Oo Saaka Aroorti Ku Geeriyooday Mogdisho

Tuesday - January 26, 2016



Muqdisho-Allaha u naxariistee waxaa saaka aroortii hore magaalada Muqdisho ku geeriyooday Cabdi Xaaji Goobdoon oo ahaa rug cadaa saxaafadeed oo muddo dheer ku soo jiray warfaafinta Soomaalida.
 
Sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyskiisa Cabdi Xaaji Goobdoon wuxuu u dhintay xanuun dhanka wadanaha ah oo ku soo booday .. Marxuumka ayaa saxaafadda ku soo biiray sannadkii 1961-kii, wuxuuna la soo shaqeeyey warbaahinno kala duwan.
 
Wuxuu sidoo kale ahaa wariyihii gaarka ahaa ee madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, xilkaas oo loo magacaabay sanadkii 1971-kii, wuxuu kaloo xilal kala duwan ka soo qabtay wasaaradihii warfaafinta, shaqada iyo isboortiga iyo arrimaha dibadda ee dowladdii Kacaanka.
 
Dowladihii ku meel gaarka ahaa ee dalka soo maray ayuu dhowr mar ka noqday afhayeenka xukuumadda, wuxuuna hadda la taliye dhanka sxaafadda ka ahaa xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
 
Abuukar Xaaji Goobdoon oo marxuumka ay walaalo ahaayeen ayaa sheegay in uu ifka kaga tagay 15 carruur ah oo isugu jira toddoba wiil iyo siddeed gabdhood iyo waxay sii dhaleen.