Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Hadal Gar Ah Buu Ku Hadlay .. Qoraagi Weynaa Henryk Broder: Kama Bixin Diinti Yuhuud-nimada Ee Waxaan U Laabtay Diinti Islaamka Ee Qof Walba Ku Dhashay

Friday - August 30, 2019



Laga soo billaabo qarnigi tagey wuxuu caalamka marqaati ka ahaa sida xawliga ah ee shucuubta reer galbeedku usoo galayeen diinta Islaamka, gaar ahaan waxgaradka, culumada iyo dadka caanka ah ee hogaamiya aragtida caamka.

Henryk Broder, wuxuu ahaa suxufi caan ah asalkiisa waa Yuhuud wuxuu u dhashay jarmalka, wuxuu caan ku ahaa nacaybka iyo la dirirka islaamka iyo muslimiinta. Hadalladiisi caan baxay waxaa ka mid ahaa, asagoo baraarujinayo da’yarta reer yurub:

"Waxaan kula talinayaa dhalinyarada reer yurub in ay iskaga baxaan qaaradda, xaalku sidaan ma sii ahaan doono labaatanka sano ee soo socdo muslimiinta ayaa la wareegi doono”.

Mr. Broder, wuxuu ahaa suxufi shacbiyad badan leh wuxuu maqaallo joogta ku soo qori jiray jariidad caan ka ah dalka jarmalka oo lagu magacaabo Der Spiegel. Waa ninka iska leh buugaagta ugu badan ee laga aqristo dalka jarmalka. Sanadki 2007da wuxuu helay jaa’isada buugga ugu wanaagsan sanadka buugaas oo uu ubixiyey “Hey Europe .. you give up “.

Mohamed Broder wuxuu yiri: ku biiritaankeyga islaamka wuxuu yimi kadib marki uu socday xilli dheer halgan iyo loolan noo dhexeeyey aniga iyo nafteyda, anigu kama bixin diinteydi ee waxaan u laabtay diinteydi islaamka, waxaan hadda ku faanayaa in aan ka mid ahay umad tiradeedu tahay bilyan iyo saddex boqol malyan oo qof, kuwaas oo si joogta ah loo dhibaateeyo taas oo ka dhalatay in ay ka falceliyaan dhibaatadaas lagu hayo, waan ku faraxsanahay in aan ku soo laabto gurigi aan ku dhashay, waxaa isoo jiitay xariirka ka dhaxeeyo dadka muslimiinta ah, gaar ahaan dhanka wada noolaashaha, nadaafadda, dhawrsanaanta iyo xariirka guud ee ka dhaxeeyo intaas oy la’yihiin reer yurub, waana middaas waxa igu dhaliyey in aan ku biiro diinta islaamka, wax ahmiyad ah iima lahan siyaasadda ku dhisan munaafaqnimada magaca loo qurxiyey (Calmaaniyadda) ee looga dhaqmo Jarmalka iyo kheyrkii”.

Mar uu ka jawaabayay su’aal laga weydiiyey in uu ka baxay diintiisi Yuhuud-nimo wuxuu ku jawaabay: “kama bixin diin, ee waxaan u laabtay diinteyda islaamka ee qof walba lagu dhalay”.

Waxaa nasiib leh lexdan (60) jir ku barbaaray gaalnimo ku noolaaday diin la’aan kadibna ku soo laabtay diintiisi iyo fidradi Islaam-nimada, waxay ayaan darro iyo hoog u sugnaatay qof ku dhashay diinta islaamka ku soo barbaaray asalkiisa iyo faraciisu islaam ahaa (Soomaali), kadib ka baxay gaalnimo iyo gunnimo u laabtay.

Ilaahayga Quluubta ged-geddiyow Qalbigeenna ku sug Diintaada.


hits Hits : 2241