Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Dhacda Walba Xasuusteed Iyo Taariikh Qoran .. Warqad gaboowday Oo Saadal Ku Xustay Xaalada Somaliya Awal Iyo Aakhir

Saturday - September 7, 2019



Qiyaas abbaaraha sanadkii 1972-73 iyo Maalin maalmaha ka mida waxaa gor galaba jawiga mogdisho aad u kululaa oo markaas aan shaqo ka imid waxaa hooygeyga guriga igu yimid laba nin oo wada socda oo mid aan xigto ahaan u garanaayey midka kalana bartiisa ma garaneyn, balse ninkaas oo marki dambe ii sheegtay inu ka soo jeedo Qoyska Shiikhaal- Fiqi Cumar- Reer Abaadir- asalow Reer Abubakar Sadiiq .. barashadaas kadib wuxuu ninki si guud ii tusay iigana sheekeeyey warqad duu-duuban ka sameysan harag oo u la jeclaaday inu tuso Madaxweyne Siyaad Bare .. Ninka wuxuu warqada u ilaalinaayey sida Ukunta, wuxuuna iga codsaday inaan tuso madaxweyne Siyaad Barre oo aan markaas gacan yare u ahaa

Si warka aan u soo koobo Ninki waan balamiyey waana is tusay labadooodi .. Muddo markey wada fadhiyeen waxaa ii yeerey Madaxweyne Siyaad oo igu yiri warqadaan Af Carabi bey ku qorantahay ee ii soo tarjum .. Warqadi waxaan la dul tagay miiska oo si taxadar leh ayaan u kala bixiyey .. warqada waxay ku qorneyd Af Carbeed far-guri ah oo hadda abaadday, isla markaana ahayd xaga nadafada mid Suyac iyo uskad lahayd.

Warqadaas oo u ekeyd darmo harag la Magdiyey ka sameysneyd oo noqotay warqad oo kale, hasa ahaate cimrigeeda inti badneyd wey isku duubneyd sidaa daraaded wey isku kogtay, sido kale oogadeeda ma sineyn oo tur-tuur bey lahayed .. inteeda badan waxaa xarfaheeda ku dul sharaxnaa Shad iyo Mad iyo dhibco oo qaarkood waxa ku qoran aad u dhaawacn-yihiin sida taariikhda warqadaan la qoray iyo magaca ku saxiixan oo xarfo badan ka maqan-yihiin

Haddaba waxaan halkan idiin ku soo gudbinaya Tarjumadi aan Soomaaliyeeye inti aan hadda ka xasuuto:



- Warqada inkasto Sayid Saleemaan gacantiisa usan ku Qorin, waxay ku hadleysa Afkiisa 
- Warqadu waxay u socotay nin la yiraahdo Shiikh ismaciil Aw Suufi Xasan Axmed Yaxye oo harar jooga
- Warqada waxaa lagu bilaabay Bisinka iyo weyneynta Alle iyo xuska cashiiradi Nabiga iyo Cabdulaahigi dhalay .. salaan iyo duco guud
- Warqada waxaa ku qorneyd in Sayid Salemaan u Helay fariinti Shiikh ismaciil Aw Sufi Axmed Yaxye iyo warka sheegaaya in Harar rabto iney ka go'do itoobiya oo midnimo la yeelato xarakada Somali Kulub, laakiin Harar oo Oodan baan arkaa ayuu yiri Sayid Saleemaan, Balse dareenkiisa karaamada u ku arkay calaamado muujinaaya in Somaaliya ay xoroobi-doonta oo dhaq-dhaqaa xarakada Kulub dowlad-nimo gaarsiin-doonto, laakiin dawladaas dhalatay musuq-maasuqeeda ayaa looga caban-doona, hasa ahaate markiiba talada waxaa ka riixan-doona Nin Koofiyad u xiran-tahay.

Ninkaas Koofiyada xiran gacan bira ayuu ku shaqeyn-doona oo aad baa xukunkiisa looga caban-doona, wuxuuna dagaal ku jaheyn-doona cariga itoobiya, laakiin imtixaan bey ku noqon-doonta oo dib baa loo soo riixaya, waxaase dhib badan iyo wax-yeelo ka soo gaari-doona dadyooga mandiqadaas ku nool .. Saaxiib Koofiya oo markiisi hore amar Alle ku yimid marka dambe amarkiisa iyo qalinkiisa waa la rafici-doonaa oo dacfi awgiis ciriiri ayuu galaya oo ugu dambeyn dhinaca galbeed ayuu u jaheysanayaa.

Qoraalku iyo intaan ka xasuusto wuxuu tilmaamaya in Somaaliya aakhiro tahanka col iyo abaar cagaha la gali-doonto iyo dagaal sokeeye oo xoog lays ku muquuninaayo, taaso sumcada somali hoos u dhigaysa .. dagaalkaas muddo ayuu soconaya oo qolo-ba gaarkeeda ayey u dagi-doonta, waxaase dalka ka jiri-doona dawlado lays ku maaweesho oo dhalanteed ah, laakiin ugu dambeysta somaali waxaa hogaamin-doona Nin xul iyo is afgarasho ku yimaada oo la yiraahdo Maxamed kaaso caasimad u noqon-doonto meelo u ku tilmaamay iney u dhawdahay Laas-caanood .. Maxamed-kaas Somali wey ku reysaneysa oo dhogor cusub baa u soo  baxeysa, hasa ahaate wuxuuse dagaal rogaal celin ah ku qaadi-doona cariga Itoobiya oo gaari-doona illa Adis-Ababa oo weliba uga sii gudbaya xagaa iyo Suudaan kaas oo xuduudu u noqon-doonto dalka Masar .. ugu dambeysna ciidamo ka wada tirsan Somali, Masaari iyo Suddaan ayaa ka qayb galidoona Xoreynta Qudus .. Qoraalka waxaa ku xusnaa Sayidka oo leh: noo soo duceya sida aan idin ku soo duceyno habeen iyo maalin ..Wa salaamu calaykum wa raxmatullaah wa barakaatuha.

Hadal tirada aan joojiye iyo Ugu dambeyn .. goor dambe oo u firaaqo yeeshay Maxamed Siyaad ayaan Tarjumadi u keenay, dabadeed marku isha mariyey ayuu inta i soo fiiriyey yiri: Waa Yaabe Adigaa Reera wadaada ah ka dhashaye maxay tahay waxaan ay dadka qaarkiis hurgufayaan, oo ma waxbaa la ogeysiiya? .. waxaan ku iri: Alle kaliya ayaa wixii mustaqbal ah Og ..  kolkaasu intu wax yar aamusay ayuu haddana yiri: mararka qaarkood waxay sheegaan run bey noqota, mararka qarkoodna waa beenoowdaa oo haddana hadalkiisi si raaciyey oo yiri : Anigoo Sarkaal gaashaanle dhexe ah ayaa nin darawal caadi ah ka tirsan ciidanka ii yimid oo igu yiri: Madaxweyne ayaad mustaqbalka noqoneysa ee Afka ingiriiska si fiican u baro .. salaama ka dheh Maxmed Calixaashi .. Mhashi1 @ hotmail.com

hits Hits : 3056