Dawladi Fedaraalka Oo Markaan Gees Wiyi-leed Yeelatay Sutidana U Qabatay Go'aanki Dhurwaayadi Jaamacada Carabta .. Erdogan Oo U Mahad Naqay Somaliya
Wednesday - October 16, 2019
Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Erdogan oo ka hor hadlayey baarlamaanka dalkaasi ayaa sheegay inuu u mahad celinayo Soomaaliya iyo dalalka kale ee ku taageeray howlgalka Milatari ee uu ka wado waqooyiga dalka Syria.
Erdogan ayaa sheegay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay u muujisay garab istaag muhiim ah, xilli dalal badan ay ka horyimaadeen tallaabada Turkiga.
“Waxaan Soomaaliya uga mahadecinayaa ina y nagu garab istaageen howlgalka militari ee aan ka wadno waqooyiga Syria.” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.
Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ka hortimid bayaan ka dhan ahaa Turkiga oo ka soo baxay Jaamacadda Carabta, kaas oo lagu dhaleeceynayey howlgalka Milatari ee uu dalkaasi ka wada gudaha dalka Syria .. Sidoo kale waxaa War-saxaafadeedkaasi ayaa lagu sheegay in dowladda Qatar ay iyadana ka hortimi go'aankaas jaamacada Carabta
Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero Soomaaliya, waxaana uu mashaariic kala duwan ka fuliyaa magaalada Muqdisho, sidoo kale wuxuu tababaro xoogan siiyaa ciidamada kala duwan ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.