Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Xasuus Taariikh .. Xukunkii Xaakim Qarqoosh Ee Sida Xun Ugu Dharaqsaday Cadaalada

Saturday - Feb 6, 2016



Xaakim Qarqoosh lagu neynaasi jiray dad liqe oo noolaa intaan islaamku imaan, waxuu hogaamiye ka ahaa magaalo ka mid ah dalka Ciraaq gaar ahaan magaalada ku isman magaciisa oo la yiraa Al- Qoosh una jirta30 km magalada Mosal ee hadda ku jirta gacanta islaamiyiinta DAACISH (ISIS)

Xaakim Qarqosh waxuu ahaa Hogamiye aad u cadaalad xun,wuxu gaaray in uu Ninka maal-qabeenka ah iyo kan u Nacam-leeyaba inu u xukumo sidey jeclyihiin. isagoo Bulshada inteeda kalena uu ku fuliyo xukun qalafsan aan cadaalad ahayn, waxuu ku caan baxay in uu dacwad walba u xukumo si foorar-foorar ah oo bulshada ka yaabisa .. qiisoyinka Qarqoosh oo aad u farabadnaa waxa ka mid ah:-

Qiisadaan Kowaad .. Maalin malmaha ka mid ah,waxa Xaakim Qarqoosh dacwad ugu yimid nin dhibana ah .. Ninkaas isagoo cabanaaya wuxu ku yiri; Boqorow Nin ba dilay ilma haygii oo habeeno jiray. Qarqoosh wuxu amray in la soo qabto,wana la soo qabtay wuxuu dhegeystay mudacaligii laga sheeganaayey.wuxuna yiri; Boqorow waxan ka cararayey,Ninkii falaagada ahaa ee xukun-kagan Qarqoosh macaradka ku noqday ee Hebel.waxan soo galay guri balaqan wiilkuna hurdo aniga oo aan arkayn,ayan Ganaca iskaga tagay wuna dhintay ee Boqorow i cafi.

Qarqoosh u fiirso xukunkiisa:Gabadhii wiilka yar dhashay wuxuu ku xukumay in ay raacdo Ninkii wiilkeeda dilay,ila inta ay ka dhalayso wiil. dabadeed markay dhasho wiil in ay ku soo wareegto Ninkan dacwoonaya ee ay hore xaskiisa u ahayd .. Qarqoosh dubihii ayu ku dhuftay miiska oo yiri; yaanan maqlin Boqor Qarqoosh Caadil ma aha.

Qisadii Labaad:
Malin maal maha ka mid ah,waxa u yimi Nin dacwoonaya.wuxu yiri Boqorow Ninba nabarka igu dhuftay,Damer-kaygiina wuxu jaray Dabadii. Ceelkii aan ka cabi laha ee aan ka dhaan-san lahana wuu ii diiday.

Qarqoosh wuxu amray in la soo qabto ninkii eedeysanaha ahaa, ee dhawaca geystey, waana laga dhegaystay eedeysanhi waxuu isku daafacayo,.wuxu yiri; Boqorow waad ogtahay in aan ahay malqabeen xoolahaygii ayaa Ceelka ka cabayey, Celkana meel kama bananayn sida awgeed aniga u geystay dhawaca una diiday Biyihii weliba Damerkana dabada jaray.

Qarqoosh u fiirso: Dameerkii wuxuu u xukumay in uu ka xaysto ninkii dabada jaray ee ninka dhawaca u geystay, kulaha Kaxayso Dameerka inta dabadu u soo baxayso.maalinta ay u soo baxdo dabadu u soo celi Ninkii lahaa Dameerka ee aad dhawaca u geysatay .. dabadeed miiska ayu inta dubaha ku dhftay yiri: qalinkeyga iyo qawlkwyga waa cadaalad ku dhisan dimuqaraadiyad

Qisadii Sadexaad:
Malin malmaha ka mid ah waxa u yimi Nin dacwoonaya, waxaanu yiri; Boqorow Nin baa dilay walalkay wuna dhintay.Ninkii aya la soo qabtay,Qarqoshna wuxu dhegeystay dacwadii eedeysanaha, waxuuna yiri; Boqorow waxaan ahaa Tuug u dhaca Guryaha,waxan u dhacay Guri fooq ah waxa igu soo kacay Ninkii Guriga lahaa.waxan ka boday daaqadii,waxa hoos taagna Ninkaa dhintay oo aan dusha kaga dhacay wuxu ka jabay Qoorta wuuna dhintay.

Xukun Qarqoosh u fiirs: Ninkii walalkii dhintay wuxu ku yiri; Ninyahow Tugan walalka dilay ee ka jebiyay Qoorta waxan taagaya halkii walalka taagna, adiguna kaga so bood halkii uu kaga soo boday.si aad uga jebisid Qoorta. Ninkii ayaa yabay oo weydiyay oo Boqor mindha ka jebi waa Qoorta.kulaha inta uu ka jabayo,sida ugu soo bood bood. Boqorow ka waran hadaan anigu wax noqdo oo jabo,wuxu hadal badana ma macardkii ba ka dhex hadlaya Dubihii buu ku dhuftay miiska oo yiri kiiskaan si cadaalad ah ayuu u dhacay.