Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Falaar Cirka Loo Diray Fool Bay La Maqan- tahay .. Odayaasha Garsoor-Gaalkacyo Oo Dhambaal Far Waa-Weyn U Diray Maamulka Puntland

Saturday - July 11, 2020


Dhul Gariirka Garsoor .. Wararka laga soo tabinaayo magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhinaca garsoor ayaa la sheegay in shalay illa xalay halkaas ay ka dhaceen dagaal sababy dhimasho iyo dhaawac, waxaana la cadeeyey in degaanka xaafada ay soo weerareen Askar dhaga-jeexan kana tirsan ciidan Puntland ee sida gaarka u ilaaliya madaxtooyada Gaalkacyo oo takniko ku hubeysan, kuwaaso dadki goob jooga halkaas ka ahaa oo iyagana markaas naftooda la waab-waabanaayey ay sheegeen in goobo badan oo ka mida xaafada ay indha-hooda ku arkeen ciidamo meesha ku birin-birqeynaya, xabado gaw leh iyo Fatata Rasaaseed loo aabo yeelin dhan walba u jiireen, kadibna halkaas guuldaradi ka dhacay awgeed dad badan aakhiro u hooyday .. Waxaan aragnay ayey dhaheen hub dhacaya aan xishooneyn oo ku jirta gacanta Qof aan xishooneyn

Dhinaca kale inkasto la sheegay in dagaalku u ku dhacay si kadis ah oo aan lala xariirin abaabul qorsho ka yimid xaga Amniga sare ee maamulka Gaalkacyo iyo Garoowe, haddana odayaasha beesha Leelkase oo si gadoodsan Qawlalada uga xumbeynaaya, ayaa si adag u cambaareeyey xaajada falal nacaska ah ee ay ciidamado ku kaceen oo ah mid gaadmo ah anshax daran oo si cadow-nima ah dadka loola beegsaday, falkaasna maxaa keenay ayey yiraahdeen haddey maamul dawladnimo joogtay, maxaase keenay ciidamo casaabadeysan iney sidaas yeelan oo haddana sidaas dacaayad Cay aan dawga beesha u ahayen loo furo.

Odayaasha ayaa warkooda ku soo gabagabeeyey in xaajadaan aan la af-duubin si dhab ah dawlada Puntland khasaarihi dhacay si cadaalad ah baaris ku saleysan marada uga feydo, isla markaana goor haboon si wax qabasho ah la isla soo fariisto. dabadeena wixii dhacay la kabo, balse aan lala imaan caadifad beeleysan hoosta ka qalalan oo fadareysa nabada .. waxay kalo odayaasha tilmaameen in Meesha dambi weyn ka dhacay, hasa-ahaate ka digeen xam-xam iyo war aan jirin laga xishoodo, oo xaqiiiqada iyo sida wax u dhaceen aan Kaarka loo rogin lagana digtoonaado in la dul cararo arimo is khilaafsan oo looga been sheegaayo wixii meesha ka dhacay.




hits Hits : 2118