Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 16 January 2025

Akhbaarti Zamaanki Hore .. War Miyaad Ka Haysaa Leyla Iyo Qays Wixii Kala Qabsaday

Saturday - July 3, 2021



Layla iyo Qays,waa sheeko jacel ah oo ka mida sheekooyinka ugu caansan bariga dhexe,sheekadan waxay taariikhdeedu u noqneysaa ilaa qarnigii 7aad,Layla iyo Qays waa sheeko sida oo kale ku faaftay
waqooyiga Afrika iyo India .. hadaba Layla iyo Qays maxay ahaayeen? sheekadoodu sidayse u dhacday?

Nin la oran jiray Majnun yacni (ninkii waalnaa) oo magaciisa caadiga ahi uu ahaa Qays ayaa Layla kula kulmay si kedis ah meel ay dumar xaflad ku lahaayeen dabadeed wuxuu bilaabay inuu geeliisii gawraco munaasibadaa haweenka awgeed, haweenkan waxaa ku jirtay Layla .. Layla waxay jacayl u qaaday Qays isna mid kii la mida ayuu u qaaday, si dhakhso ah ayuu Qays u doonay Layla in uu u geed fadhiisto oo wuu weydiisto Aabaheed ,balse nasiib daro layla Aabaheed hore ayuu nin kale
ugu balan qaaday inuu inantiisa siinayo.

Qays arrintaasi waa u cuntami-weyday wuxuuna ku adkeystay in Layla la siiyo, halka Layla aabeheedna ku adkeeystay in innantiisa uu nin kale ugu balan qaaday,Qays wuxuu noqday nin jacayl qaaday laakin innantii uu u qaaday ku hunguubay, Qays oo jacaylka Layla uu ku dheeraa ayaa ka samri waayey dabadeed wuxuu bilaabay inuu dugaaga weheshado oo uu duurjoogta u tago.

Qays aabihii ayaa isku deyey inuu ilawsiiyo inankiisa jacaylkan haleelay, balse qays xanuunkiisii waa ka sii daray oo wuxuu noqday nin waalan oo miyirkiisi ayaa raacay Layla, Qays wuxu u tiriyey Layla gabay badan oo uu mar ku amaanaayo, marna ku calaacalaayo, marna uu ku muujinaayo marxaladan cusub ee la soo deristay.

Gabayada Qays uu u tiriyey Layla waxay qayb ka noqdeen suugaanta Beershiya (iiraan) iyagoo u isticmaali jiray siyaabo kala duwan waxaa la sheegaa mararka qaar inay u isticmaali jireen hees hawleedyo .. Isla marka uu Qays ku sugnaa xaaladaas Layla waxay joogtay gurigooda oo lagu
ilaalinaayey iyada oo gabayada uu tirinaayo Qays ay ka dhigeen Layla mawduuca qura oo lagu sheekeysto iyo xanta dadka.

Layla aabeheed wuxuu balan ku galay inuu Qays ka ilaaliyo Layla,qiimaha ay
doonto ha ugu kacdee,waxaa la sheegaa in nin la yiraah Ebne-e Salam u
weydiistay Layla aabeheed inuu siiyo, laakin Layla aabeheed wuxuu ninkaa u
sheegay in innantiisu weli yartahay oo uu sugo ilaa dhowr sanno si ay ugu soo
korto, Qays wuxu galay nolo adag oo silic leh, sheekadii Qays waxay gaartay nin la oran jiray Nezamis’s oo ahaa nin deeqsio ah oo sida la sheegay boqor ka ahaa dhulkii Beershiya ee hada loo
yaqaan Iiran.
Ninkaas oo isku deyey inuu Qays la taliyo laakin markii u kala
quustay waano iyo talo ayaa la sheegaa in Boqorkaa ay ka gaartay in uu weerar
ku qaado Layla reerkii ay ka dhalatay isagoo ka doonayo reerkaas in Layla iyo Qays laysa siiyo hadii kale dhiig daadan-doono.

Inkastoo oo dagaalkii dhacay oo la jebiyey Layla qabiilkoodii hadana Aaabaheed wuxuu ku adkeystay in aanu marnaba Layla siin doonin Qays isagoo ku dooday in Qays dhulka dhigayoo burburiyey sharaftii Layla, wuxuuna oran jiray dabeyl-kasta oo soo dhacdaa waxay sidaa magicii innanteyda,isago
sheegay in Layla oo uu Qays siiyaa uu ka dooranyo inuu dilo oo qoorta ka jaro Layla.

Boqorkii wuxu ogaaday in aanu ku guuleysaneyn inuu Layla aabeheed kuqanciyo in uu isa siiyo laamanahan isku dhibaateysan faraha ayuuna ka qaaday arrintii Layla iyo Qays, ninkii Layla loogu
balan qaaday ayaa doonay inuu ka faa'iideyso jaaniskaa isagoo u yimid Laylaa aabaheed mar labaad, balse markan si dhib yar ayaaba Layla loo
siiyey……..wuxuuna Layla u kaxaystay gurigiisii, Qays markii uu maqlay in Layla
nin la siiyey ayuu ka sii daray wuxuuna wehel cusub ku sii yeeshay keyntii uu markii horeba dugaaga la joogay.

Qays aabihii wuxuu la dhintay murugadii iyo uur xumadii uu ka qaaday noloshii uu la dersay inankiisu isagoo Qays ahaa inanka keliya ee uu lahaa, uuna u jeclaa si aada .. Qays markii uu maqlay in Aabihii hoos maray ayuu xalkiisii ka sii xumaaday intii hore, balse nin qoyani biyo iskama dhowro…..isaga ayaaba tisii la il daran,wuxuuna Aabo ka sii dhigtay oo booskii Aaabihii u sii buuxshay Habardugaagii uu la noolaa. inkastoo Layla la guursatay hadan ma ay ilaawin jaceylkii Qays waxaana ku sii siyaaday jaceylkii ay Qays u haysay

Layla waxay warqad u dirtay Qays iyadoo uga tacsiyadeyneysa geerida ku timid aaabihii waxanay u sheegtay in ninkeedu ogyahay in ay Qays jeceshahay oo aanu weligeed qalbigeeda ka baxayn. mudo ka dib waxaaba dhimatay Qays hooyadii, Laylana waxay fariin u soo dirtay Qays iyadoo u soo dirtay nin
waayeel ah una sheegay in Layla ay dooneyso in ay kulmaan .. Qays waa raacay ninkii waxaana mar labaad kulmay lamaane is jeclaaday oo dhib aduunyo muquuray, Layla ninkii la siiyey wuxu ogaa inaanu marna qalbiga Layla ka saari karin Qays, Balse Layla ninkii la siiyey waa
xanuunsaday waana dhintay.

Sida dadkaa dhaqanka u ahayd gabadha carmalka ah ee laga dhintaa 2-sanno ayey ahayd inay ku jirto guriga oo aanay mudadaa rag la kulmin…Layla iyada uma dulqaadan karto mudadaas
dheer ee aanay Qays is arkeyn waanay xanuunsatay waanay dhimamatay

War xumi dugsi ma fariistee Qays markii uu maqlay in Layla ay dhimatay oo dhulka hoos martay ayuu aad uga xumaaday wuxuuna bookhday xabaasheedii, halkaasna waxaa ku soo af-jarmay noloshi Qays waxaana uu ka daba tegay Layla oo isna waa dhintay.