Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Allahayow Khaatumo Wanaagsan Nagu Arsaaq .. Sheeko Qofki Akhriya Ka Ooysiisa

Friday - July 23, 2021



Sheekadu waxay ku socotaa gabar magaceeda la-yirah Cassie iyo sida ay diinta Islaamka ku soo gashay oo runtii ka duwan sida ay dad badani ku soo islaamaan .. Gabadhaan oo 23 sano jir ahayed waxay ka soo qalin-jabisay iskuulka kal-kaalinta caafimaadka, shaqadi ugu horeysana waxay ka heshay meesha lagu xanaaneeyo Dadka waayeelka ah ( Home Nurse)

Gabadhaas Cassie Qofkii ugu horeeyey ee loo geeyey wuxuu ahaa odey 80 jir English ah oo qaba cudurka ‘Alzheimerka’ .. Maalintii ugu horeysay ee shaqada ay soo gashay ayaa loo dhiibey feylka Bukaanka, Haddii ay isha la raacday waxaa ku qoran in odagaan diinta islaamka galay oo uu yahay "convert" hasa-ahaate gabadha horay ayey u ogeyd in hab-dhaqameedka meeshana yaala (home nurse) arimaha qaarkiis uu ka hor imaan-doona diintiisa sidaas darteed waxay u baahatay iney fahamto wax-yaabaha uu u baahan-yahay si ay ugu khidmeeyso sida ugu wanaagsan .. sidaa darteed waxay u soo iibin jirtey hilib xalaal ah oo si gooni ah ugu kariso, isla markaana waxay ka fogeysay dhamaan wixii leh hilibka doofaarka iyo khamriga. Waxaas oo dhan waxay ku ogaatay kadib markii ay sameeysay baaritaan ku saabsan wax-yaabaha ay muslimiinta diidan-yihiin.

Odagaan Dhibanaha ah wuxuu ahaa qof ay xaaladiisa caafimaad aad u liidato oo ay adag tahay in loo khidmeeyo, laakiin saaxibadeeyda shaqada ayaa la yaabi jiray sida ay ugu dadaaleysay qof ay xaaladiisu sidaan tahay oo hadana sita diin qariib ah. .. Gabadhase waxay u arkeysay qof diintiisa’daacad u ah oo u baahan in la ixtiraamo

Sikastaba ahaatee, isbuucyo yar hadiiba ay la joogtey waxay indhaheeda ku dhacay isagoo samaynaya dhaq-dhaqaaq amase xarakaat isu eg .. ugu horeynti waxay dhaq-dhaqaaqiisa u qaadatay qof-kale oo uu ku dayanayo laakinse waxaa u muuqatay inuu ku soo celcelinayo waqtiyo gooni ah sida subuxa, galabka iyo fiidka. Waa xarakaat gacmaha kor loo taagaayo, foorarsi, madaxa oo dhulka la dhigo iyo kuwa kale oo ay fahmi weyday waxa ay ka dhigan-yihiin. wuxuu ahaa mid akhriyo jumlada ay gabadhu fahmi weyday luqada u ku hadlaayo inkasta aanu si fiican u hadli-karin markiisa horaba 

Gabdhi oo arintaan qoraal ku sharxeysay waxay tiri: Wuxuu ahaa mid iga diido inaan gacanta bidix ku quudiyo inkasta oo aan ahaa qof guran, Malaha waa arin diintiisa salka ku haysa oo aan weli fahmin sababta .. waxay tiri Goor aan isla wareersanahay ayaa qof aanu saaxibo aheyn ii sheegey inuu jiro paltal lagaga dooda arimaha diinta oo laga yaabo inay iga jaahil bixiyaan wax-yaabaha uu samaynayo iyo sida aan ula macaamilil-lahaa .. waxay tiri waxaan is iri malaha waa fikrad wanaagsan inaad Musliminta waydisid oo ficlan waxaan galay qol la yirahdo "True Message"

Gabadhi waxay tiri: Halkii ayaan dadka ku weydiyey su’aalo ku saabsan wixii aan ku arkay Bukaanka; waxaana la’iisheegey inay tahay sida loo Tukado Salaada, mase rumeysan jawaabtii laga bixiyey ilaa uu qof-kale soo galiyey Youtubeka "islamic prayer"

Gabadha oo sheekadaan laga xigtay ayaa tiri: Yaab iyo amakaak ayuu ilaahey ii keeney, qof ay ka dhuntey xusuusta oo dhan xitaa caruurtiisa "magacyadooda" oo cunitaanka iyo cabitaanka uu dhib ku yahay ayaa weli sii xasuusta Salaada iyo sida loo Tukado! Kaaga daranka, xitaa qur’aankii ayuu sii xasuusta oo ku qoran luuqad kale oo aanu u dhalan .. waxay tiri: Waxay igu noqotay waxaan qaadan waayey; waxaana ii cadaatay inuu daacad ka yahay diintiisa, taas oo iga dhalisay inaan barto diintiisa si aan ugu khidmeeyo sida ugu wanaagsan.

Iyado sheekadeeda si wadata waxay tiri: Waxaan caado ka dhigtay inaan maalinkasta soo galo Paltalga. Waxaa la’isiiyey linka meel aan ka aqrin-karo Qur’aanka turjumadiisa iyo dhagaysi intaba .. Waxaan aad ugu heley Suuratu Annaxal "Shinida" oo aan maalintii dhowr jeer dhageysan jirey, waxaana go’aansaday inaan Qur’aanka wax ka gaarsiiyo Odayga- bukaanka. Qur’aanka ayaan ku soo duubey iPodgayga kadibna u geeyey si uu u dhagaysto.

Cajiib, Qur’anka marka uu dhagaysto, marna wuu ooya marna wuu dhoola cadeeya! Anigoo yaaban sida ay wax ka yihiin ayaan fiiriyey tarjumada aayadaha markaas ayaan fahmay sababta. Wuxuu ahaa mid ooya marka uu maqlo aayadaha cadaabka ka sheekeynaya, wuxuuna farxa marka laga sheekeynayo janada! .. Waxaan isku dayey inaan ku dhaqmo wixii aan ka bartay paltalga hase-yeeshe waxaan is arkay anigoo naftayda iswaydinayo su’aalo aan weligey jaanis u helin inaan isweydiyo sida aabahay iyo meesha uu ku danbeeyey; hooyadey waxay dhimatay anigoo 3 jir ah oo Aniga iyo walaalkey waxaa na soo koriyey awoowgeen iyo ayeydeen oo iminka sii mootan 4sano. waxaana hada ifka ku nool aniga iyo walaalkey oo kali ah. Waxaas oo dhibaato oo isoo gaartey waxaan hadana u haystaa inaan faraxsanahay!
Joogitaanka aan la joogey Bukaankan ayaan dareemey inay wax iga maqan-yihiin.Waxaan qalad u fahmay waxa uu yahay xasiloonida iyo daganaanta ‘peace and tranquillity’.

Waxay tiri: Gabar aan ka bartay Paltalk ayaa isiisey magacyada masaajidyada ku yeela meesha aan daganahay; waxaana booqdey mid kamid ah. Waxaan daawadey sida Salaada loo Tukado, indhahaygana waxaa ku soo istaagi jirey ilmo! Masjidka ayaa naftayda la jeclaysiiyey .. imaamki masjidka iyo xaaskiisa ayaa aad ii soo dhaweeyey oo isiiyey cajalado iyo buugaag aan ka faa’idaysto, ayagoo weliba iiga jawaabi jirey wixii su’aalo ah oo aan qabo .. Dadkii aan ka bartay Paltalkga ayey tiri: su’aal kasta oo aan weydiyo si sahlan oo cajiib ah ayey iigu jawaabaan oo ay qasab igu noqotay inaan aqbalo.
Horey wax diin ah oo aan aamisanaa ma jirin laakinse had iyo jeer waxaan rumaysnaa inuu jiro ILaah walow aanan garaneyn sidii aan u caabudilahaa!

Su’aal aan jawaab u waayey?
Galab galbaha kamid ah ayaan soo galay Paltalk, qolkii "the True religion. Midkood ayaa microphoneka qabsadey isagoo iweydinaya inaan wax su’aal ah qabo. “Maya” ayaan ugu jawaabay. Waxaa kale oo uu i-weydiyey inaan ku qancay jawaabihii laga bixiyey su’aalihii aan dadka waydiyey. Waxaan u sheegey inaan ku qancay!

“Maxaay tahay waxa kaa hortaagan inaad islaamka soo gashid?” Ayuu iweydiyey! Waxaan ku jawaabo ayaan garanwaayey .. Waxaan dib ugu laabtay shaqadeydi iyo Odaygii Bukaanka ahaa. Indhihiisa ayaan eegey anigoo quudinaaya, waxaan yaqiinsadey in la’ii soo direy oo ay meeshan arin ka socoto.

Runtii, jawaabta uu ninka iweydiyey waxa iga hortaagan waa cabsi… ma’ahan cabsi inay wax igu dhacayaan ee waxaan ka baqaya runta ! .. Galabtaas ayaan go’aansadey inaan ku dhawaaqo Shahaadada. Imaamka masjidka ayaa ii qabtay shahaadada kadib markii uu ii sharaxay waxa la’iga baahanyahay .. Ma sharxi karo ayey tiri sida uu dareenkeyga ahaa markii aan ku dhawaaqay kalmadaas.Waxay ila aheyd sida iyado qof hurdada iga soo kiciyey oo indhaha si aan caadi aheyn wax ku eegayo.

Qofkii u horeeyey ee aan u sheegey wuxuu ahaa walaalkey ( odaygi bukaanka) markaan u soogalay anigoon afka kala qaadin ayuu isku daray dhoola cadeyn iyo ilmo; kadibna hortiisa ayaan kula dhacay farxad iyo oohin .. wuxuu igu leeyahay fadli aan la soo koobi karin, Allahana ka abaalm mariyo’

Qolkii Paltalk ayaan ku soo noqday anigoo ku celcelinaya Shahaadada si ay iila wadaagaan.Waxay aheyd maalin farxad badan oo noolasha isbadashay! .. Inkasta oo aan midkoodna arag,waxaan dareemey inay iiga dhow yihiin walaalkey. Dhamaantood waxay igu leeyihiin abaal aan la soo koobi Karin!

Ugu danbayntii walaalkey hooyo ayaan telephone u direy anigoo u sharxay diinta aan galay. Inkasta oo aanu ku farxin hadana wuxuu ii balan-qaaday inuu igarab istaagayo.

# Gabo-gabo iyo geeridii odayga!
Waxay tiri: Isbuuc kadib markii aan diinta islaamka soo galay waxaa dhintey odaygii, isagoo jiifa oo aan dul taaganahay ayay nafta ka baxday (Innaa Lillaah wa innaa Ilayhi Raajicuun)
Wuxuu u dhintey si dhib-yar oo ay ku jirta Raxmad! Anigana waxaan ahaa qofkale ee la joogey goorta uu ifka ka tagay! .. Wuxuu ii ahaa sida aabahaygii aan waligay arag, wuxuu ahaa wadadii aan islaamka ka soo galay! laga soo bilaabo maalintii aan Shahaadada ku dhawaaqay ilaa maanta iyo inta aan noolahay waan u ducaynaya inuu Allah ka abaalmariyo camalkasta oo aan sameeyo.

* Gabadhi walaasheen Cassie oo ifka ka tagtay sheekadan sida quruxda badan afka ingriiska ku qortay waxay dhimatay October 2010 kadib markii ay islaamka ugu yeertey walaalkeed oo uu soo islaamay.(innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun)


hits Hits : 2087