Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 15 January 2025

Dadweynow Dhabti Aragtee Ma Inaad ILmada Shubtaan Baa? .. Siyaad Bare Oo La Baxay Gar Weyn Sida Libaaxa Bulbusha Ee Mee Ceynaanka Ha U Qabte Dadkaan La Qurmiyey Ee Aan La Mayrin Kafana Lagu Xirin

Tuesday - Feb 1, 2022



Akhristow hadal Nin badiya ma wada oran, Nin yareeyana kama wada tagin oo wax uun buu yiri .. La iskuma hayo in dalkaan Somaliya u maraayo marxalad adag oo si halis ku jirto u maalinba maalinta ka sii dambeysa gunimo waa la hubaa, geerina halis u nahay, oo waxaa nagu dhacay Tacab Khasaaro welina soo taagan, tafaraaruq waa la arki jiray tanise waa yaabe .. Guud ahaan haddi dhinac kasta laga eego, balaayo aan meel loo raaco lahayen ayaa nagu habsatay, waxaana ku jirna wax ka daran waqtigi casri jaahiliga,waana la garan-la'yahay si looga baxo, waxayna ummadu gaartay xili ay yiraadaan ilaahaw Bukan socod baan noqone ee mid Siyaad Bare oo kale ah ma noo weyday .. waa yaabe kuwa halkaa ina dhigay dalka qurmiyey baa weli u soo ooyaaya in markale faraha nagu dhigaan

Akhristow Gobanimadi ee aan kaga xoroonay guumeysigi 1960 ee aan ku naaloonay dhayal kuma aanu gaarin ee Dunyo iyo Naf baa loo huray .. Dadki xornimo-doonka macaluul awgeed gaajadu duubatay, balse geeerida u bareeray maanta waa naga hooseyaan oo waxaa ka mid ahayed hooyadi ii dhashay oo ay jeelka iskula xirnaayeen Timiro Cukaash sanooyin badan xabsi Kismaayo ku yiil, kadib marki lagu soo eedeeyey iney ka mid ahayed Horseedki Leegada "SYL" laakiin daljradaas intaa halgan u gashay xornimada ugu dambeyn damberkeedi Maandeeq Niman aan doonin baa dhamay.. halgamayashas Quraanka aan u soo akhrino wey u tagayaan oo Togagi Janada eebahay tiisa haw furo .. Aamiin Aamiin 

Akhristow Hal libaax arkeysa ma godlato .. Sawirkaan tuhun yuusan kaa galin waa hogaamiyihi Siyaad Bare oo la baxay Gar-weyn bulbusha sida libaaxa, oo somalida qaarkeed ila hadda weli waxaa lagu cabsiiya inu ku nool-yahay meel laba Mail u jirta magaalada Laas-caanood oo isago darwiish ah soo rugaal-celin doono .. Waa Rug-cadaagi lahaa murti iyo hal-abuur badan, wixii afkiisa ka soo baxa la kala boobi jiray, balse ereyada beenta ahaa lagu nabi-jiray oo aan sal iyo raad lahayen ayaa dalki lagu burburiyey,  waxay noloshiisi ku soo idlaatay Dalka Nayjeeriya oo maanta ilaahay ayuu marti u yahay, ilaahna waa marti soore, Rabiyow dambigiisa dhaaf oo iska Cafi

Nin la jiray iyo nin ka jireyba, maanta ayaa la qiraya booski u ka baxay illa hadda wax buuxiya waa la la'yahay .. Maanta halki la iska ilaalin-lahaa Tuugta baaba wax ka sii qaalisan loo dirta oo marka saw ma aha khasaaro loo bareeray, halka kuwi wax yiqiinay waayo-araga ahaa lala coloobaayo  .. Maanta wax socda kama duwana Rux Dumara ah oo aan aqoonin sida raashinka loo kariyo oo inta la yiri cunto sameh wixii-ba mar qura isku wada shubtay maca biyihi oo qabow iyo wixii ay lahayed waxbaan karinaya kadibna la arkay wixii oo isla ba'een iyadoo horay loo yiqiin .. Cayriin Iyo Biseyl wixii ka dhaxeeya waa yac-yaood oo shacabka somaliyeed intaas wax ka badan ma si hurdi-karo ee Dhurwaayada Ciilka-qaba, Doqomada maqaar-saarka ah, kuwa qalinka laga dul-qaaday, Haad iyo habaqale oo isu kaaya habar-wacday ciidan noo noqon-maayaan ee aan ka wada tashano wuxuushtaan noo soo shaqo tagtay