Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 15 January 2025

Qofki Akhriya Suurada Al-Kahfi Habeen Ama Maalinta Jimcaha Nuur Ayaa U'ifa ILLa Jimcaha Kale .. Qisadii Dhallinyaradi Asxaabul Al-Kahfi

Monday - Feb 7, 2022




Waxaa jirtey Tuulo ay ku Nool yihiin Dad Gaalo ah. Tuuladaasi Boqorkeedii iyo Dadkeediiba Jidkii Saxda ahaa way ka Leexdeen waxayna Eebbe caabudiisi la Wadaajiyeen wax aan Dhib u keeni karin, waxna u tari karin .. qoomkaas ilaah-yadooda baadilka ah way Difaaci jireen oo qofki raali aan ka ahayen qoor gooyo ayaa u qorneyd
 
Bulshadaasi Xun, waxaa ka soo baxay Koox Dhalinyaro ah oo Garaad leh. Koox yar oo ka Shaqeysiisay Garaad-koodii, isla markaasina diidey iney u Tukadaan waxaan ahayn Abuuraha Rabbi-gooda, Eebbaha ay ku jiraan Gacantiisa wax waliba.

Waxay ahaayeen Dhalinyaro rumeeyay Eebbe Hanuunkiina u Kordhiyey, uuna ku Hagay jidkii Hanuunka Ma aysan ahayn Dhalinyaradaasi Nebiyo iyo Rasuul toona, waajibna kuma ahayn sida Rasuulada oo kale iney ugu yeeraan dadkooda Risaalada. Ee waxay ahaayeen Koox Iimaan Wanaagsan leh, uma aysan ogolaanin dadkoodii iney Eebbe caabudista wax la wadaajiyaan, waxayna dadkii ku yiraahdeen ma u heysaan caddeyn inuu jiro ilaahyo aan ahayn Eebbe .. Ka dibna dhalinyaradi waxay Go’aansadeen iney ka Tagaan Tuuladii iyagoo aaday meel ay ku Badbaadayso diintoodii iyo naftoodii oo ay ku caabudaan Eebe, maxaa yeelay Tuuladu dadka ku nooli waxay ahaayeen dad xun oo baadi ah. 

Dhalinyaradii waxay Go’aansadeen iney ka baxaan Tuuladii, iyagoo ku socda God cidlo ah si ay ugu badbaadaan. Waxay ka baxeen Tuuladii balaarneed iyagoo la socdo Eeygoodii, kuna socda God Ciriiri ah .. DhalinyaradaasWaxay uga soo tageen Guryahoodii Raaxada badnaa, iney degaan God Cidlo’ ah. Waxay ka soo tageen Qolol-koodii, Sariirahoodii, oo ay doorteen God Ciriiri ah oo Mugdi ah. Taasi wax cusub ku noqon meyso Qofka Qalbigiisu Iimaan ka buuxo. Qofka mu’minka ahi lama degaanka wuxuu u arkaa Beer hadduu dareensan yahay inuu Eebbe la jiro, Wuxuuna u Arkaa Godka Madaxtooyo, hadduu u doorto Godkaasi Eebbe dartiis.

 Dhalinyaradaasi ugama aysan soo Tegin Tuuladoodii Adduun Raadis iyo Xoolo, ee waxay uga soo Tageen iyagoo doonaya Eebbe Raalli Ahaan-shihiisa. Goob kasta oo ay ku Caabudi karaan Eebbe oo ayna ku helayaan Raalli ahaan-shihiisa way uga Wanaagsan tahay Tuuladii ay ka yimaadeen.

Dhalinyaradii waxay seexdeen Godkii, wuxuu fariistay Eygoodii Iriddii Godka isagoo ilaalinaya.
markaasi baa waxaa dhacday Mucjiso Ilaahi ah, maxaa yeelay Dhalinyaradii waxay Seexdeen Saddax Boqol iyo Sagaal Sanadood .. Intii u dhexeysey mudadaasi Qoraxdu waxay ka soo baxeysey Dhinaca Midig ee Godkoodii, waxayna u dhaceysey dhinaciisa Koonfureed, mana soo gaari jirin Falaaraheeda Maalinta Gelinkeeda hore iyo Gelinkeeda Dambeba. Weyna is Gedgedin jireen intey Hurdayeen, si aaney Jirkoodu wax u gaarin. Qofkii Arki lahaana wuu Cabsan lahaa, maxaa yeelay wey Hurdaan, hase ahaatee waa iyagii oo soojeeda marba siday Dhinac isugu Gedgedinayaan darteed.

Saddax Boqol oo Sanadood ka dib, Eebbe ayaa mar kale soo saaray. Waxay ka Kaceen Hurdadii Dheereed, hase ahaatee ma aysan Ogeen intey Hurdayeen. Waxaana ka muuqatay iney Muddo Dheer Hurdayeen. Waxay is Weydiiyeen: Meeqa ayaanu Hurdaynay?! markaasay isu jawaabeen: waxaanu Hurdeyney Maalin ama Maalin Barkeed. Waxay la soo baxeen Lacagtii ay Wateen, ka dibna mid iyaga ka mid ah ayey Weydiisteen inuu Magaalada Aado si uu ugu soo Gado Lacagtii Cunto Wanaagsan, oo dabadeed si Dhuumasho leh ugu soo noqdo iyadoon Qofna Dareemin, maxaa yeelay waxaa laga yaabaa iney Ciqaabaan Ciidanka Boqorka ama kuwo kale oo Xumaan Falayaasha Tuulada ka mid ah hadday Ogaadaan Arintooda. oo waxaa Dhacda in la yiraahdo kala Doorta haddaad Rabtaan inaad Noolaataan waa inaad Eebbe Caabudistiisa ilaahyo kale la Wadaajisaan sidii hore oo kale, haddaad Diiddaana waa la idin Dhagaxyeynayaa ilaa aad ka Dhimaneysaan. 

Ninkii mu’minkii ahaa wuxuu soo aaday Tuuladii, hase yeeshee maba aha Tuuladii uu yaqaanay. Tuuladii Dhismayaalkeedii iyo Guryaheedii wey is bedeleen, sidoo kale waxaa is Bedeley Cuntadii iyo Lacagtii, wuxuu la Fajacay sidee iskugu Bedeli kartaa Tuuladii Maalin iyo Habeen Gudaheed. Dabcan Dadkii Tuulada Degganaa iyagana waxay la yaabeen Ninkii Dharkiisa iyo Lacagtii uu watey. Tuuladii ay ka soo Tageen Dhalinyaradii Muddo ka dib waxaa la Halaagay Boqorkii Xumaa, waxaana Boqor u noqday Nin Wanaagsan.

Dadkii waxay noqdeen Mu’miniin, Dadkiina waxay u Riyaaqeen Dhalinyaradii Mu’miniinta ahayd. Maxaa yeelay waxay ahaayeen Dhalinyaradaasi Mu’miniintii ugu Horeysey ee Tuuladaasi, oo waxay Tuuladoodii uga Tageen Diintoodii darteed, waana kuwan dib ugu soo noqday Tuuladoodii. Ka dib markii ay u Caddaatay Mucjisadii Dadkii Tuulada Deganaa Dhalinyaradii Dhintey ee la soo Nooleeyey, oo ay Ogaadeen inuu Eebbe Awoodo inuu soo Nooleeyo Qofkii Dhintey, oo ay ku Arkeen Indhahoodii, ayuu Eebbe Naftii ka qaaday Dhalinyaradii. Illeen waa inuu Dhintaa Qof kastaa mar uun.

Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW ISLAAMKA U GAR-GAAR, YAA RABBI).