Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 15 January 2025

Sirta Socdaalki Deni Ee Kenya .. Saciid Dani Safar Muddo Aan Yareyn Ka Dib Oo Maanta Ku Soo Laabtay Garoowe

Sunday - Feb 13, 2022



Garoowe- Nairobi- Sida la baahiyey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda Puntland ee Garoowe, kaddib muddo uu ku maqnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana garoonka si weyn ugu soo dhaweeyey Xubno ka mida golayaasha Puntland iyo saraakiil Ciidan

Waxaa la sheegay in Saciid Dani intii uu ku sugnaa Nairobi kulamo la qaatay xubno ka wakiil ah dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta shiikh Maxamed Bin Zaaiid oo halkaas xogta la helay la sheegaayo iney ka wada hadleen masiirka somaaliya, isla markaana Saciid Dani u halkaas ku soo bandhigay arimaha ku gaadaaman damaciisa aan ka dhamaan ee doorashada Kursiga Madaxtooyada Somaliya .. Warka ayaa intaa ku daraya in wada hadal dheer kadib wafdigaas ila xad ay ku qanceen ereyadi iyo sababihi u daliishaday Saciid Dani ee u ku doonaayo kursiga Villa Somaliya, balse mar wax laga weydiiyey beesha Hawiye taageerada dhabta ah ee u ka hasto, wuxuu ku jawaabay in inta badan dadku dhuuni-doon yihiin, balse siyaasiyiinta taageera-dooda u haysto, laakiin waxaa lagu yiri iska hubso .. halkaaso ugu dambeystiina si is-waasteeyna lagu heshiiyey in Deni tartankaas galo, wixii suragal taakuleyna dhinac siyaasadeed iyo karam dhaqaale key noqotaba lagu caawiyo.

War kalo oo isagana dhinac socday socdaalka Dani u ku joogay Nairobi ayaa lagu xusay inu Saciid Dani Halkaas kula kulmay safiiro ay ka mid yihiin Beesha Yurub, isla markaana laba jeer u la kulmay madaxweynaha Kenya Uhuuru Kenyaata oo ay ka wada hadleen Xiirka labada dal oo ku dhisan ixiraam iyo wada shaqeyn intaba.

Madaxweyne Saciid Dani, inkasto meel walba ay uga socto abaabul Dacaayad iyo Isbaaro siyaasadeed, ayaa haddana mudooyinkaan dambaba Kor iyo hoosba ku hawlanaa sidi Tartanka Villa Somaliya gacanta ugu dhigi-lahaa, waxaana dad badan oo wax odorasa ay tilmaameen in wareega kowaad ee doorashada madaxweynaha u ka mid noqon-doono kuwa u gudbaaya wareega labaad, isla markaana gaari-doono wareega sadexaad taaso aan la saadalin-karin cida guusha ugu dambeysa heleysa