Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 14 January 2025

Oonkodka Iyo Hilaac Xareed Baa Ka Dambeysa .. Deni Iyo Diyaano Oo Horay Isaga Ciideeyey Hilibki Iyo Cadki Fiicnaa Oo Markaan Bal Shuush Iyo Shar Sheydaan Baxye Aan Sheekysano Ku Heshiiyey

Tuesday - March 1, 2022





Boosaaso - Waxaa la soo tabnaya in Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Taliyihii uu xilka ka qaaday ee ciidanka PSF-ta Puntland Jeneraal Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa markii ugu horeysay caawa ku kulansan magaalada Boosaaso, tan iyo markii uu qarxay khilaafkooda saameeyey nabadi Bosaaso

Wadahadalkii ugu horeeyey oo ay isugu yimaadeen labada masuul ayaa goordhaw ka furmay Madaxtooyada Puntland ee magaalada Boosaaso, waxaana kulankaas goobjoog ka ah Isimada Puntland oo horay ugu howlanaa dadaalladii nabadeed ee lagu xalinayay dagaalladii ka dhacay Marsada Boosaaso.

Labada dhinac ayaan wax wada-hadal iyo tanaasul ah sameyn tan iyo markii uu madaxweynaha Puntland Saciid Deni xilka ka qaaday taliyihii ciidamada PSF Jeneraal Maxamuud Diyaano.

Jeneraal Diyaano ayaa diiday inuu aqbalo xilka ka qaadistii Saciid Deni, taasi oo keentay dagaal culus oo lagu kala adkaan-waayey uu ka dhaco magaalada Boosaaso, kaas oo u dhexeeyay ciidamada PSF-ta oo diidanaa xilka qaadista Taliyahooda iyo kuwo Puntland ee ka amar qaata Madaxweynaha.

Isimadda gobolka Bari oo horay go’aamo uga soo saaray khilaafka sababay gacan ka hadalka ee labada dhinac ayaa maalmihii la soo dhaafay wada-hadal la furay Madaxweyne Deni.

Hadda Isimadu waxay ku guuleysteen inay si ka fool ka fool ah isu soo hor-fariisiyaan Madaxweyne Deni iyo Jeneraal Maxamuud Diyaano, si loo wadahadashiiyo, waxaana la sheegaya in la filaayo in halkaas heshiis nabadiino laga gaaro