Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 14 January 2025

Maanta Wey Soo Dhaaftay Sheeko .. Deni Wuxuu Soo Gur-guurtaba Kolba Dhinac Soo Dhigto Ku Dhawaaqay Sharaxaadisi Marku Arkay Fursad U Ka Dhex Qaadi-karo Siyaasiyiinta Hawiye Ee Is Bar-baryaacaya

Sunday - March 20, 2022



Ciyaarta feerka in aad guuldaraysatay laguma dhawaaqo markaad dhulka ku dhacdo; waxa lagu dhawaaqaa markaad diido in aad dhulka ka soo kacdo .. Siciid C/laahi Deni wuxuu soo gur-guurtaba kolba dhinac soo dhigtaba oo raftaba, wuxuu ugu dambeysti qaaday waddadii uu hore u jideeyey Kornayl C/laahi Yuusuf ee uu ku gaaray kursiga madaxweynimo ee Soomaaliyaa 2004-tii

Sida iyo taariikhda qoran Kornayl C/laahi Yuusuf wuxuu ka soo ruqaansaday isaga oo ah madaxweynaha Puntland, markii uu arkay fursada taal Soomaaliya oo ka dhex-qaadi karo siyaasiyiinta Hawiye ee is-barbar yaacayey, balse is aamini waayey

Siciid Deni oo isagana ah nin meeli u cadahay meeli ka madowe, wuxuu isku dubariday xildhibaannadii golaha shacabka ee uu ka soo saartay Puntland iyo kuwa Jubbaland oo uu saameyn weyn ku leeyahay .. Deni Hadal jeedintiisii uu ku qaabiley xildhibaannadii golaha shacabka uga soo baxay Puntland wuxuu si jeesjees qosol leh ugu sheegay inuu arko fursad uga bannaan inuu Muqisho ka taliyo oo sidaa u sheegay wadaanti waa u ku tuuray ceelki biyaha waana la dul taagan-yahay

Saciid Deni, wuxuu isku geystay xisaab u gaar ah, taasi oo ah inuu ugu yaraan wareega hore toos uga gudbi karo, isaga oo isku halaynaya xildhibaano tiro badan iyo inta badan lacagtiisa ka soo gashay ganacsigiisa iyo wixi jaqaf u hayst ee u gaar ah ee uu lahaa ka hor intii aanu siyaasadda soo gelin iyo wixii kale ee uu gacanta ku dhigo.

Halka musharraxiinta Hawiye ee toban tirada u dhaafay aanay faraha wax xildhibaano ah ugu jirin, halka Siciid Dani illa hadda u haysto tiro boqol ku dhaw .. dhinaca kale Siyaasadda ahaan madaxweyne Farmajo iyo Musharxiinta kale xagga siyaasadda waayahaan wey ku hardamayeen, Sidaas daraadeed ayuu Siciid Deni isu arkaa inuu yahay nin keliya ee Farmaajo ka saari-kara aqalka Viila Soomaaliya .. Calaa Ay Xaal Akhristow Sidu Xaal Yahay Ku Dhigay Sadaro Waa-weyne


Xaaladu waxay ku socota Ninki Sexdaa Saci Dibi dhal.