Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Gen. Cada Muuse Oo Saaxibadiis Ku Wargaliyey Inu Quus Ka Taaganyahay Xagal-daacinta Nabadgalyada

Tuesday - July 15, 2008

Canada: General Cade Muuse mar u todobaadkaan booqasho ku joogay magaaladda gaalkacyo oo u ka ariminaayey halkaas hawlaha nabadgalyada gobolka, aya mar u la xariiray rag saaxibadiis oo dibada ku nool u ku wargaliyey in khaati iyo quus u ka joogo tacadiyada ulakaca lagu sameeynayo dad aan waxba galabsan iyado dadkii ehelka u ahaa gobolka iyo masuuliintiisiba ay nabadgalyadi xagaldaacsheen.

Generalka oo calaacal u muujiyey saaxibadiis sida u uga xunyahay wada shaqyn la'aanta dawladiisa iyo shacbka oo meesha ay ka maqantahay fijignaanti iyo dadaalkii bulshada, waxuu tilmaamay in dadku caada ka dhigteen in madaxda waxwalba laga sugo oo wada shaqeyntii markasta lagu xiro shuruudo ilaaq lacageed iyo wax la mid ah.