Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 12 January 2025

Waagi Beryaba Waayo Leh .. Madaxweyne Xasan Shiikh Haraadka U Qabey Awgeed Oo Si Baryo Ah Ku Hor Galgashay Isu Oohiyey Garkana Jiiday Erdogaan

Sunday - July 10, 2022




Warar aan ka xiganay siyaasiyiin si gaara ugu xiran madaxweyne Xasan Shiikh ayaa si kooban uga waramay natiijadi kulanki labada madaxweyne ee Urdogaan iyo Xasan Shiikh, kuwaaso la sheegay in wadahadal iyo wax is darensiin ay jilbaha isu aasteen iyado saacadihi ay wada hadlayeen ay kor u dhaaftay saacadihi ka xadidnaa baratakoolka ee loogu tala galay waqtiga wada hadalka.

Waxaa la tabiyey in madaxweyne Xasan Shiikh oo maalmo murugo iyo culeys badan saarnaa balse ilkaha cadeynaayey ayaa si caadifad tiic-tiic ku jirto isugu Oohiyey Madaxweyne Erdogaan oo kulankaas ku muujiyey cabasho iyo baryootan u ku leeyahay: Cid ii caawineysa oo aan adiga ahayen ma jirto ee walaalow Urdogaanow ii hiili , wuxuu kalo sheegay in inta badan dawlado Micida adeegsata looga soo caga jugleynayo rabana iney dabino noo daadiyaan  .. Xasan Shiikh oo kolba wuxuu ka rabo Erdogaan hadba dhinac mashruuc uga furaayey ayaa markasta ku celcelinaayey taageerada u ka doonaayo dhigiisa Erdogaan taaso la xariirtay in kaalmo dheeraada u ka helo Turkiga gaar ahaan xaga ciidamada iyo dhaqaalaha, wuxuuse si gaara Xasan Shiikh ugu mitiday in isaga iyo afawarki Eritrea heshiis la dhex dhigo, isla markaana askarta ku xaniban xeryaha Eretrea loo soo daayo.

Warka ayaa intaa raaciyey in madaxweyne Urdogaan u si soo dhaweyn ah u yiri Haye oo halkaas ku ajiibay codsiyadi Xasan shiikh isla markiina u xaga talefoonka si deg deg ah kula xariiray Afawarki oo arinta Ciidamada somalida halkaas joogta kala sheekeystay .. Labada dhinac Waa Urdogaan iyo Afawarke waxay wada hadalkoodi gunaanad isku afgarteen in Xasan Shiikh u si haleel ah ku yimaado Caasimada Asmara oo ay ka wada hadlaan xaalada ciidamadaas, waxaana loo badinayaa in ciidamadaas qaar ka mida Xasan Shiikh si horseed ah loo soo raacin-doono iyadoo inta harsan soo qaadistooda la filaayo in lagu keeno diyaarado waaweyn oo xaga Milatariga Turkiga ka yimaada