Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Ereyada Ka Soo Baxay Maamulka Puntland Ee La Isla Soo Taagay Waa Mid Laga Qabsado "Bisinka" Oo La Yiraahdo "Subxaana-Laahi Allow Na Badbaadi" .. Amar U Baxshay A. Karash Oo Ay Ka Hor Yimaaden Wasiiro

Monday - July 11, 2022





Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna Kusimaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Karaash ayaa maanta amray in diyaaradii ay la socotay Xildhbaan Sacdiya Salaad ahna Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee baarlamaanka Faderaalka ay garoonka ku dagto isla markaana amray in deeqdaas la dajiyo oo loo qeybiyo bulshada Puntland ee loogu talogalay.

Amarka Madaxweyne kuxigeenka Axmed Karash, waxaa si cad u diiday xubno ka mid ah golaha wasiiradda oo markaa ku sugnaa Boosaaso, kuwas oo amar ka helayay Madaxweynaha Puntland iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Imaaraatka Carabta ee ku-sugan Puntland, taas oo muujisay in amarka Karaash uu yahay mid aan meelmar aheyn.

Isku daygi Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa meelmar noqon waayay, isagoo Isimadda u sheegay in diyaaraddu dagayso, Deeqdana laga dajinayo oo bulshadii baahida u qabtay la gaarsiinayo, laakiin ma suuragalin amarka Karaash.

Sacdiya Salaad ayaa todobaadyo ka hor ka dajisay magaalada Garoowe, isla deeqdan gargaar, taas oo ay dawladdu la wareegtay, warar madax banaan ayaana cadeynaya in dib suuqyada looga iibshay deeqdaas oo koobnayd awalba.

Subaxnimadii hore, ee saaka ayay soo baxday xogta sheegaysa in Deeqda aan lagu aamini-karin dhinaca Xukuumadda Puntland, cabsina laga qabo in dib suuqa looga iibiyo, taas oo walaac weyn laga muujiyey.