Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Muranki Taagnaa Huu-haada La Isku Qabsan Jiray Oo Maanta Sidi Oogta Waaberi U Hilaacday .. Galdogob Times Oo Jabisey Sirti Qufuleyd Ee Dhalinyarada Lagu Geeyey Eritreya

Thursday - July 14, 2022



Hadal Waliba Meeshi Oo Maanta Wey Soo Dhaaftay Sheeko Iyo Kiis iska Waal .. Sida lala socda-ba, waxaa lagu waramaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kadib marki u ka soo laabtay socdaalkiisi dalka Eritrea iyadoo ujeedada halkaas uu u tagay ay ahayed inu u kuur-galo xaalada dhalinyarada halkaas la sheegay in tababar loo geeyey .. Mudane Xasan ayaa halkaas kuurgal-kiisi wax badan oo ka yaabiyey la kulmay waa maro wuxuu halkaas indhihiisa ku soo arkay dhalinyaro caato miiqan la il daran nafaqo xumo iyo indho gurmay meel fog ka soo jeeda, waxayna halkaas ku gaajoonayeen Sadex Sano oo xiriir ah, waxaase taas ka si darneyd iyado xaalkooda nolol iyo dhimasho mid ay tahayba aan si dhaba ehelkooda uga warqabin, halka dhinaca dawladi Farmaajo xaalka dhalintaas mudaba qarineysey oo xitaa marka la weydiiyo inkiraad la soo mutaxneyd.

Dhinaca kale waxaa la sheegay in markii madaxweyne Xasan ay wada kulmeen Madaxweyne Afawarki ay axwaasha arinka dhanliyarada isla soo qaadeen, waxaa Xasan Shiikh lagu war-galiyey in u jiro heshiis Sadex geesood ah oo ujeedadiisu ahayed in dagaal lagu ciribtiro Maamulka kibray ee Tigrega oo dhuun-gashay ku noqday Sadexdaas dawladeed ee Itoobiya, Eritreya iyo Somaliya, sidaa daraadeed qorshahaan ayaa  dhalin-yaradaas halkaan Eritrea lagu keenay .. Afawerki oo ka jawaabay mar kale su'aal u la yimid Xasan Shiikh waxuu tusay saxiixa Farmaajo oo qoraaya in dhalin-yaradaas dawlada Eritrea Tababar ahaan loo geyn-karo dagaalada ay Eritrea kula jirto Tigreyga .. Waa sida la sheegee Xasan Shiikh Marku Jawaabtaas maqlay amase arkay saxiixi Farmaajo waxaa indhihiisa ku soo joogsaday ilin iyo candhuuftiisi dib u liqay, isla markaa madaxweyne Afawarke wuxuu kalo u sheegay Xasan Shiikh in mudadi tababarka socday ay dhalin-yaraadaas ku baxday kharaj lixaad leh oo illa iminka lagu leeyahay dawlada Eritrea .. Heshiiska u xusay madaxweyne Afawarki waa heshiiski dhagarta huwana ee lagu kala saxixday Caasimada Asmara- Bahardaar sanadki 2018

Wararku waxay intaa ku darayaan in kulanki labada dhinac ay marki hore la isku afgaran-waayey oo Xasan Shiikh lagu yiri dhalin-yaradaas lagu tusimaayo illa aad saxiix nala gasho, isla markaana loo diiday tirada saxda ah ay hayaan, laakiin kulan dambe waxbaa meel la isla dhigay taaso keentay in Xasan Shiikh loo ogolaado in dhalin-yaraada u la kulmo oo qaar ka mida isla wada hadlaan .. iyado goob joog ka ahaayeen saraakiil ka tirsan Eritrea ayaa Mid ka mida dhaliyaradi kulanka la qaadatay Xasan ayaa carabka ku dhuftay in ay tababarki ugu dheera aduunka ay halkaan ku joogeen sidaa daraadeedna ay xaq u leeyihiin in la siiyo darajo sarkaal, taaso micnaha u yahay tiro kasto joogta la siiyo darajo sarkaal .. waxaa xusid mudan in dhalin-yaradaas intooda badan ay ahaayeen arday wax barata, balse qaarkood jaamacadaha ku jireen, sidey sheegeena ay halkaan ku yimaadeen si Afduub ah oo ay iyagu raali ka ahayen 
 
Ugu dambeyn Mudane Xasan Shiikh marku ku soo laabtay Dalkiisa wuxuu si gaar ula kulmay guddi ka socda waalidiinta dhalinyaradaas oo muddo 3 sano ah ka maqnaayeen .. Xasan Sheekh ayaa raaligelin ka siiyey waalidiinta dhibaatooyinkii lagula kacay iyo xog la’aanta halkii ay ku danbeeyeen wiilashooda, wuxuuna ku wargaliyey in hawsha soo celinta dhalinyaraadaas aysan ahayen wax fudud, balse sey noqotaba idinka alle la keeni-doono ayuu hadalkiisi ku soo gabagabeeyey