Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Qof Noloshiisa Waxaa Ka Hara Raad Iyo Taariikh Waarta .. Xildhibaan ILhaan Cumar Oo Ka Soo Horjeensatay La Kulanka Amiirka Afka Taaga Ee Maxamed Bin Salmaan

Saturday - July 16, 2022



Xildhibaan ILhan Cumar, oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa si wayn uga soo horjeedsatay safarka uu madaxweyne Joe Biden ku tagay dalka Sacuudiga .. Gabadhan oo Congress-ka ku matasha gobolka Minnesota ayaa sheegtay in booqashada Biden ee Sacuudiga “ay dirayso farriin khaldan”, sida uu shaaciyay wargayska The Independent.

Go’aanka uu madaxweynaha Mareykanka ku tagay Sacuudiga ayay shegetay inuu yahay mid ka hor imaanaya hadal uu horay u jeediyay oo ahaa in uu Sacuudiga ka dhigi doono "dal go’doonsan" kaddib dilkii loo gaystay wariye Jamaal Khaashuqji.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in uu Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan u sheegay inuu si shakhsi ahaan ah ugu haysto mas’uuliyada dilkii wariye Jamaal Khaashuqji.

Mr Biden ayaa hadalkan jeediyay kaddib markii uu Amiirka kulan wadahadal ah kula yeeshay magaalada Jeddah .. Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa mar walba beeniya eedeymahaas.

Khaashuqji oo ahaa wariye fadhigiisu yahay Mareykanka oo ka soo jeeday Sacuudiga ayaa sanadkii 2018-kii lagu dilay gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga.

Biden ayaa markii uu xilka madaxweynaha u tartamayay, oo ahayd kaddib dilkii Khaashuqji, waxa uu yiri: "Waxaan ku khasbaynaa inay ka qoomameeyaan, run ahaantiina waxaan ka dhigaynaa go’doonka ay hadda yihiin"

Ka hor inta uusan billaabin booqashadiisa Bariga Dhexe, waxa uu sheegay in uusan la kulmi doonin Maxamed Bin Salmaan, maadaama uu ugu careysan yahay dilkii wariyaha.

Maxay tiri Ilhaan Cumar: Ilhaan Cumar ayaa dhaleeceysay tallaabada uu Biden u qaaday dhanka Sacuudiga, iyadoo sheegtay in ay ka turjumayso in Mareykanku uusan ku dadaalin ilaalinta xuquuqda aadanaha.

" Waxay ila tahay inay dirayso farriin khaldan oo gaaraysa qof walba oo ku dadaala ilaalinta xuquuqda aadanaha, Mareykankuna wuxuu xoojiyaa dhowrista qiimaha xuquuqul-insaanka, sida horumarinta dimuqraaddiyadda iyo u doodista dumarka" ayay tiri.

Hasa-yeeshe Madaxweyne Biden ayaa difaacay booqashadiisa la dhaleeceeyay, isagoo sheegay inuusan dooneyn inuu xiriirka u jaro dalkan, wuxuuna si toos ah ugu duulay Sacuudiga isaga oo Israa’iil ka soo kicitimay .. Duullimaadka Sauudiga iyo Israa’iil isku xira oo horay mamnuuc u ahaa ayaa hadda dib loo furay, waxayna labada waddan u muuqdaan inay wax badan ka baddaleen xiriirkooda diblomaasiyadeed.