Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Samirku Waa Hal-bolaha Shay Wal Oo La Qabanaayo .. Qiiso Aad Ula Yaab Leh Oo Ku Saabsan Samirka

Friday - August 12, 2022




Qisadan waxa ka sheekeeye shiikh muhamed Al-cariif waxaanu yiri : Nin dhakhtar ah oo
caafimaadka ka shaqeeya ayaa iiga warramay arrin aad u cajab badan, dhakhtarku waxa loo keenay
cunug yar oo da’diisu tahay Laba sano oo bukaan ah waxa uu la jiifay xanuuno badan markaan gudo
galnay daweyntiisa ayaa Sanka kaga furmay dhiig, neefsashadiina way ku dhegtay muddo dhan 45 daqiiqo kadibna waxan u timi hooyadii oo haysatay Masxaf Quraana waanan uga warramay xaalada cunuga oo halis ah, aan rajo badana laga qabin inuu dib u caafimaado, balse  hooyadii dhashay cunuga waxay ugu jawaabtay waa Qadar Eebe, ilaahaw shaafi cunugayga. 

Dhakhtarkii isagoo yaaban ayuu ka baxay hooyadii. Dhawr casho kadib ayuu wiilkii ka bugsaday xanuunkii laakiin maalintii danbe ayuu dhiigii ku furmay markaasbuu dhakhtarkii u tagay
hooyadii laakiin wax dareen murugo ah maysan muujinin ee waxay ku jawaabtay sidii hore oo kale.

Mudo kadib ayaa wiilkii waxa ku dhacay xanuun maskaxda ah waxaanu u baahday qalliin, hooyadii
waxay talo saaratay ilaahay waanay samirtay .. hadana wiilkii waa ka bugsady qalliinkii, waqti yar
markay ka soo wareegtay ayaa wiilkii waxa shaqayn waayey Kalyaha, hooyadii waxay talo saaratay
Eebe, hadana wiilkii waa ka ladnaaday jirradii kalyaha. Muddo kadib ayaa hadana wiilkii uu ku
dhacay xanuun halis ah, sanbabada ayaa shaqayn waayey oo waxa uu galay koomo dhakhtarku
markastuu utago cunuga hooyadii, waxay ugu jawaabtaa waa qadar Eebe, inshallah wuu ka bugsanayaa. Wiilkii ayaa mudo laba sano kadib caafimaadey oo bukaankii ka kacay, kadib markii ay asiibeen xanuuno badan oo dawo lahayn laakiin Eebe caafimaadiyey ..Waxa layaab ahayd sida hooyada cunuga dhashay ay Eebe ugu xirnayd ee ay u sabraysay. Laba sano iyo bar kadib ayaa hooyadii ku soo noqotay
dhakhtarkii ayadoo wadata cunugii bukaanka ahaa iyo wiil kale, markaasuu dhakhtarkii waydiiyey
cunuga kale cida dhashay? Waxay ugu jawaabtay waxaan odaygayga is qabnay mudo Todoba iyo
Toban sano ah, waxaanan ubad lahayn wiilkaa bukaanka ah laakiin markii aan samirnay ayuu Eebe
cunugana caafimaadiyey kan kalena na siiyey .. Mashallah