Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Sheeko Xikmadeysan Oo Diini Ah .. Wiilki Daacada Ahaa Iyo Tuugti Tobada Keentay

Wednesday - August 17, 2022



Maalin Maalamaha ka mida Wiil 12 Jir ah ayaa Hooyadiisa u dirtay inuu Cilmi Diini ka soo Barto Magaalo aad uga Fog Magaaladoodii .. Maamadii waxay Wiilkeedda Siisay Sahay oo Lacag ah oo uu ku Maro Wadada intuu ka tagaayo meeshii Loo Diray.

Wiilki Intuu Wadada socday waxaa dhexda ku Heshay Tuugo dadka safarka Dhaca oo waxay heystaan ka dhacda .. Tuugadi waxay Wiilki Ku dhaheen Yerow istaag oo waxaad lacag heeysid Dhig

Wiilki Wuxuu soo Bixiyay Lacagtii Kudhex Jirtay Kitabadii wuuna Siiyay Tuugti, dabadeedna iska soco ayey dhaheen ..  Wiilki markuuu sii Dhaqaaqay ayey hadana  istaajiyeen Ayagoo Layaaban Sababtoo u Qarin waayay Lacagta oo u dhihi Waayay Waxba Maheeysto 

Waxay Dhaheen Kaalay wiilyahoow Maxaad inooga Qarin weysay Lacagtaan ileen Ma jiro Qof Wax Heeysta oo Na Dhaha waxbaan Heeystaayee ee Qaata .. Wiilki wuxuu Yiri: Hooyadeey ayaan Balan Ka qaaday Inaan Dadka iga waaweyn Been u sheegin, waayo Alle Baa i arkaaya oo Beentaas igu Cadaabi Kara 

Ninkii Tuugadda Maamulaayay ayaa aad ula Yaabay Haddalka 12 Jirkaan, dabadeed intay Wiilki Lacagtiisa u celiyeen Beey Fasaxeen ayagana Waxay isdhaheen Wiilkaan Yar Hooyadiisa Balanta uu ka Qaaday waad Aragtaan inuu Fuliyay Beenta anagana Balantii Alle aan Ka qaadnay Maxaan u fulin weynay? .. Tuugti Halki ayey falalkoodi iyo wixi ay danbi galeen ka toobad keeneen oo Tuugadnimadi iyo burcadnimadi ka baxaxeen