Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Innaa-Lilaahi Wa Innaa-ILeyhi Raajicuun .. Geeri Baan Cid Daynayen Oo Aan Birmagaydo Aqoon .. Abwaan Hadraawi Oo Qabri Loo Hoysiiyey

Thursday - August 18, 2022




INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN .. Waa geeri aad u xannuun badan, waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska, ehelada, waayeelka, waxgaradka, Abwaanada, Shacabka reer Somaliland iyo Soomaali oo idil geerida ku timid Marxuum Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Siciid “Hadraawi” oo goor dhaweyd Hargeysa ku geeriyooday.

Marxuum Abwaan Hadraawi waxa uu ahaa Abwaannada fara ku tiriska ah ee Qowmiyadda Soomaalida iyo dunidaba uga tegi doona dhaxal iyo dhigaal aan duugoobeyn, waxa uu ahaa sama-talis, Philosopher, Macalin bulsho, indheergarad iyo keyd Umadda Soomaaliyeed iyo Caalamkuba ay wada lahaayeen.

Allaha ha u naxariiste,  maxamed ibrahim warsame Hadraawi waa macalinki dhaqanka iyo hidaha somaaliyeed, Waxa uu ahaa Shakhsiyad noloshiisa oo dhan u huray u halgamidda Caddaaladda bulshada iyo qiimeynta samaha Aadamaha oo idil, waxa uu la dagaalami jiray kala qeybinta iyo faquuqa Aadamaha .. Ilaahay waxa aan uga baryayaa in uu Jannatul firdowsa ku casuumo, dambigiisana dhaafo, innagana samir iyo iimaan innaga wada siiyo. Aamiin.” 

Hadraawi, Damal ay harsadaan buu ahaa dirka Soomaaliyeed iyo intii ay murtidiisau gaartay, waxaase hubaal ah in dhaxal weyn uu uga tegay dadkiisa oo uu taariikhda same iyo wanaag ku galay.

Geeri baan cid daynayn oo aan birmagaydo aqoon! Qofna ifka loo deyn maayo ee Sabir iyo Iimaan dhamaan ehalkiisii iyo inta geeridiisu taabatay, meel kasta oo ay joogaan.

“Kuwa ii hanweynow
Marka aad i hoysaan
Hogga ii bannaysaan
Waa in lay hogtaayoo
Hiil waxan ka geli jiray
Ama hoo ka tari jiray
Hadhow lay xusuusta
Hebel lay yidhaahdaa””