Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Nin Dantiisa Qura Eeganahaya Waxay Dumar Amar Ka Qaataan-ba Maanta Feer Baa La Liqsiin .. Gabar Somaliyeed Oo Wacdaro Ka Dhigtay Tartan Feer Oo Lagu Dhigay Magaalada Jida- Sacuudiga

Sunday - August 21, 2022



Feer Yahan Gabadha Ramla Ali, oo ah gabar Soomaali ah ayaa ku guulaysatay tartanka Feerka ee markii ugu horreysay noocisa lagu qabto magaalada Jeddah ee dalka Sucuudi Carabiya.

 Ramla oo 32 sano jir ah ayaa daqiiqad ka dib dhulka dhigtay gabadha Crystal Garcia Nova oo ka soo jeeda dalka Dominica, taasoo sababtay in Ramla ay ku guuleysata tartankaasi .. Ramla ayaa sheegtay inay u hambalyeynayso gabadha ay ka guulaysatay.

 Ramla inkasto ay haysato dalashada dalka UK ayaa haddana go'aansatay inay magaca Soomaaliya ku dagaalanto, Waxay sheegtay Ramla in muddo Toban sanadood ah ay ku jirtay feerka oo muujisay dadaal dheeri iyo naf hurid, isla markaana ay feer ku dagallantay 75 jeer, ayna ciyaaro feer ah u tagtay 20 dal.

Ramla oo mar wareysi siineysay idaacada BBC ayaa sheegtay in arin ku saabsan bulshada somalida  oo ku tiri " bulshada Soomaaliyeed ayaa oo dhaqan ah in ay is-taageeraan iyaga dhexdooda," 

 Go’aanka Ramla ee ka qeyb-galka feerka Sacuudiga ayaa waxaa ka dhashay dhaleeceyn, iyadoo qaar ka mid ah taageerayaasha baraha bulshada ay soo xiganayeen tacadiga xuquuqul insaanka ee ka jira Sacuuudiga iyo sida loola dhaqmo haweenka.

Sacuudiga ayaa wajahaya eedeymo la xiriira xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, waxaana hadda ay Yemen ka wadaan howlgal milateri oo sababay dhibaato bini’aadinimo.