Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Dhacda Walba Xasuusteed Iyo Taariikh Qoran .. Geeridi Hogaamiyihi Dhulkiisa Guusha U Horseeday Ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan

Sunday - August 21, 2022




Ciidamada Ingiriiska ee barrigu waxba waa ka tari waayeen Sayidka waana usoo dhawaan waayeen Taleex iyo qalcadihii kale.  Sayidku wuxuu ku caan baxay tabco iyo taaktiko dagaal .. Ugu dambayntii waxaa Sayidka lagu soo kacshay dayuuraadka dagaalka waxaana weeraradaa hogaaminayey Dhame Duuliye Gordon wuxuuna cadowgu isticmaalayey diyaaradaha dagaalka kadibna daraawiishti waa la jabshay

Sayidka iyo intii la socotay oo ku sugan Iimey oo ka tirsan Soomaalida Itoobiyada maanta, waana deegaan Caruuso .. Ka dib wuxuu Sayidku galay guri halkaasi uu ku lahaa, waxaanu ku yiri Raggii la joogay yaan la ii iman, laakiin duhurkii ka dib ayuu u yeeray Laba hablood oo ay walaalo ahaaheen oo kala ahaa Jamaad iyo Rooxo, waxaanu u sheegay inuu xannuun hayo, markii casarkii la gaaray ayuu u yeeray Abshir Dhoorre oo ka mid ahaa ragga ugu dhaw Sayidka, waxaanu ku yiri: Galabta culays baa I saaran ee Daraawiishta kala maamul, gaar ahaan adiga.

Markii la gaaray Makhribkii ayuu hablihii ay walaalaha ahaayeen iska diray, waxaanu ku yiri iska taga oo Abashir Dhoorre ha ii yimaado. Markii Abshir Dhoorre u tegay ayuu arkay Sayidkii oo naftu ka baxday, markuu hubsaday inuu Meyd yahay ayuu maro saaray ka dib laba nin oo gaar ahaa ku yiri yaan aqalka cidi gelin. Ka dib wuxuu Abshir u yeeray dhawr nin oo ka mid ahaa Daraawiishtii ugu dhawayd Sayidka iyo weliba qoyskiisii, si uu ugu sheego geerida .. Raggii arrintaasi loo bandhigay waxa ka mid ahaa Shiikh Yuusuf Cabdille oo Sayidka walaalkii ahaa, Xuseen Faarax iyo Aw Cabdiile Ibraahim, waxaana lagu tashaday in la Aaso oo la qodo xabashii, sidoo kalena aan la ogaan warka geerida si aanu u maqal Ingiriisku .. Waxa la bilaabay xabaashii, waxaana laga qoday Qalcad markii hore la dhisaayey oo markaa qorisaar joogta dhexdeeda ayey qabri ka jeexeen, in kastoo meeshu dhagax lahayd.

Markii nin jooggii ay arooriyeen ayay hoos qabrigii ka soo dhiseen, halkaasina ayey ku Aaseen, ka dib waxa ay ka dul-dhiseen kuus hal dhudhin le’eeg. Markaasay Daartii ka baxeen oo dusha ka malaaseen, balse Sir Geofery  Archer oo ahaa nin jebiyey Daraawiishta wuxuu sheegay inuu Sayidku geeriyooday 23/11/1921, isaga oo lix cisho xannuunsaayey, wixii Daraawiish raacdayna uu laayey daacuun iyo xannuuno durey loo maleeyey. 

Ummadii iyo Daraawiishtii joogtay goobtii Sayidku ku dhintay waxa ay u qaybsameen laba qaybood. Wixii reer Sheekh Cabdille ahaa iyo dadkii aan ka hari karini waxa ay tageen gurigii reer Daari oo ka tirsanaa qoomiyada Oromada, oo ay ku dhaqnaayeen Reer Cabdulle Xasan. Intii kale waxa ay noqdeen kuwa bari iyo Nugaal u kaca iyo weliba kuwa webiga Shabeelle hoos u qaada oo Talyaaniga u galay.

Iyadoo afar sanno laga joogo burburkii Daraawiisht, ayuu ninkii la oran Archer ee Sayidka Jebiyey Hargaysa ka diray safar ujeeddadiisu qarsoonayd, si Meydkii Sayidka looga saaro qabriga lagu aasay, laakiin Itoobiya oo qabriga Sayidku ku yaalay waa laga qariyey in meydka la soo saarayo.
Safarkii Hargaysa ka baxay, waxa ay u jeesteen dhinacaa iyo iimey, habeenkii waxa ay u dhaxeen meel Dhagax-buur u dhow oo la yiraa Higlaaley. Iyagoo safarkii halkaasi degan ayey la kulmeen arrintan: 
Nin reer Dhagax-buur ahaa ayaa nin kale ku diley goobtan safarku ku dhaxay, ka dib ciidan Xabashi ahaa ayaa habeenkii guureeyey, iyaga oo doonaayey inay ninkii dilka geystay soo qabtaan, ka dib wuxuu ciidankii Xabashidu ku soo baxay safarkii oo meesha degan, markaasaa xabbad ay isku rideen. Halkaasina waxa ku fashilmay hawshii soo qaadista lafihii Sayidka.

Xaaji Isaaq Daadhi oo ahaa Boqorkii Caruusa oo Sayidku magangalay ayaa sheegay in Ingiriisku mar kale isku dayey inuu soo faqo xabaashii Sayidka, waxaanu Ingiriisku weydiistay Xayle-salaase ogolaasho hawshaasi lagu fuliyo. Ka dib waxa la diray sarkaal Ingiriis ah, waxaanu u tegay Xayle-salaase, ka dibna wuxuu weydiistay in loo darbo daabbad, loona fududeeyo siday Iimey ku tegi lahaayeen, dabadeedna markii Awr iyo Buquul iyo Askari loo darbay, laba meelood bay iska dhigeen, mid welibana nin Ingiriis ah ayaa watay .. magaalada Adari ayey ka dhaqaaqeen, siday u sii socdeen ayey habeenkii meel degeen, xoolana ku qasheen, ka dib Waraabe ayaa soo raacay raqdii, markaasuu nin Askari ahi sasay oo xabbad riday, isaga oo mooday in la soo weeraray. Halkii ayey hawshii ku joogsatay, isagoo Ingiriisku u qaatay in Xayle-salaase shiqool u dhigay. Xaaji Isaaq Daari wuxuu sheegay inay maqleen warka ah in Ingiriisku doonayo inuu la soo baxo lafihii Sayidka, markaasuu u diray Xaaji Axmed Cabdille Xasan iyo Sh. Xasan Sh. Cabdille, waxaanay kaxaysteen Rag iyo Awr markaasay lafihii ka saareen qabrigii oo meel kale ku aaseen.