Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Ogeysiis Ogeysiis .. Ikhyaarta Macaamiisha Ku Taxan Shabakada Galdogob Times Waa Anigo Idin Leh Todobo Casho Ayaan Socdaal Idin Kaga Maqnaan-doona Ee Safar Salaama Iyo Salaamo Soo Noqosho Leh

Monday - August 22, 2022




Sunne Weeye Salaantu Waana Sawdka Islaamka .. Dhamaan asxaabta ikhyaarta sida gaarka ah ugu taxan akhriska shabakadaan Galdogob Times, waxaa marka hore iga gudoontaan salaan murti iyo macno weyn xambaarsan oo idin kaga timi qalbi hufan haybad wacan leh, isla markaana meel-kasta oo aad ka joogtaan dunida indho walaal idin ku eegeysa 
 
Salaan Sharafedkaas kadib safar sahal ma aha oo sifihiisa socod waa daal iyo salaamo soo noqosho , sidaa daraadeed waxaan idin la socodsiinaya in anigoo ah Tafatiraha wargeyskaan aan maal-mahaan safar Todobo casho ah ku gaari-doono wadan ka durugsan arlada aan hadda ku noolahay ee Kanada .. Safarkaan aan isu diyaarinaayo wuxuu ajiibaya amase la xariira ka qayb-gal xaflad Ubax is guursanaaya oo aan ku kalifanahay inaan ka odayeeyo Geed-fariisiga Waabka inanta lagu bixinaayo  .. Socdaalka Safarkeyga, wuxuu ii bilaabanaya bisha 23-Agust ee sanadkaan, waxaana ishaa Alaah aan idin ku soo laaban-doona isla bishaan 30 Aguust 2022 ee ii soo duceya ilaahay idinkiis

Gunaanadka Asxaabey waxaan idin kula Dardaarmaya: Waad la socotaan maalin-walba ta ka dambeysa waxaad u soo tooseysa Waali hor leh oo waxaa la galay Zaman quluubti dadka la qalajiyey, oo balaayo iyo colaad ayaa hawada xiimeysa, waxaa meel kasta ka biloowday Xulufeysi milatari iyo cabsi laga qabo dagaalki Sadexaad inu dunida ka dhaco iyo sido kale dhaqan bi'is aan umadihi hore lagu arki jirin, oo dhaqan fiican waa la suuliyey .. Ikhyaarey Qoom walba iyo qof walba waxaa jira wax lagu ibtileeyey oo Ummad baa Khamriga iyo Maandoori-yaha la il daran, kuwa kale madax iyo boqoro macangag ah ayaa lagu saladay, kuwa kale Faqri iyo xag-jir is dugsaday ayaa fadhi u diiday .. Ummad kalana Cuduro gumaad ah ayaa loogu baaqay inu dabar-gooyo, inaguse hadaan nahay Somali waxaa nala ku Aafeyey masiibo intaba ka daran oo ah Qabiil Iyo Xaasadnimo 

dhinaca kale waxaa Zamankaan dhacaya dabeylo, Dab holcaaya, Roobab qabax-leynaya iyo duufaano aan caadi ahayen iyado haddana ay noo dheer-tahay cuduro faafa halis ah oo saameysay dhaq-dhaqaaqi dunida, taaso keentay in la xakameeyo Nafta, Hindhisada, Qufaca iyo Taabashada oo intaba waa wada hawl nafta la khasbaayo iyo wax aysan qaadi-karin, laakiin Ikhyaarey waxaaso dhan danbarkeeda waa ciqaab la muteystay oo ugu dambeyn uun la is ku rogaya, koleyba ka musllim ahaan waxaaso dhan waxaan ku xamil-karnaa jidka samirka samayeelka salaada habeen iyo sirta aan kula faqno leylka ilaah

Ikhyaarey mashaqo waan soo marnay ee ka waantooba muranka iyo muraad nin u gaara iyo wax aan micno sii lahayen .. Sheydaan nacalad baa ku taale Qofka muuminka ah ee yiraahda iimaankeyga ayaan xajisanaya wuxuu la mid noqon-doona Qof dhimbil dab ah gacanta ku haysata sida hadda muuqata .. Qofka iimaankiisa xajista waqtigaas wuxuu la ajar noqon-doona 50 Nin oo saxaabadi rasuulka ka mida ajarkooda .. walaal markaad ciriri iyo imtixaan dareento ha kuu muuqato ajarka intaas le'eg iyo janada ku sugeysa .. iLaahow iimaanka nagu sug Aamiin

Waa mar labaade Ikhyaarey ilaah u soo noqda oo nabigiina ku saliya oo ogaada Cabsida ilaahay, Qabsashada Quraanka iyo sunada nabagiisa Caleyhi Salaatu Wasalaam oo aan la'aantood nolol wanaagsan la dhadhamineyn Aduun iyo Aakhraba .. Naftu nolool bay Rabta, Noloshuna Nabad bay Rabta, Nabaduna cadaalad iyo sinaan iyo midnimay Rabta   

Ugu Dambeyn Waa Gaclkiin Maxamed Calihashi ( Ina Cadaawe) Oo Idin Leh: Safar Salaama .. Safar Salaama oo ducada ha iga bakhiilina