Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Waa Sheekadi " Kun Habeen Iyo Habeen" .. Waxaa Curisay Gabar Reer Bershiyaan Oo Lahayed Hibo Hadal Sugaaneed Iyo Siyaasadeed

Saturday - September 3, 2022



Waxaa la leeyahay sheekooyinka Alfa-Leyla Waa Leyla waxaa curisay Gabar reer Beershiya ahayd oo aabaheed gacanyare u ahaa boqor naxariis darnaa oo markaas gobol ka mid mandiqadaas ka talinayay ..
Boqorka waxaa la soo wariyay inuu qabay haweenay aad u qurxoonayd oo uu aad u jeclaa uuna aaminay, laakiin nasiibdaro boqorku wuxuu dareemay in haweenaydiisu khiyaanayso. Sidaas awgeed, 
Boqorku wuxuu goostay inuu khaarijo xaaskiisa waana fuliyay inuu dilo boqoradii.

Intaas kuma ekaan boqorkuye waxaa ku dhacay jirro-maskaxeed uu dhamaan caddaawad u qaaday dhamaan dumarkii oo wuxuu ku amray wasiiradiisii inay keenaan subax kasta gabar ugub ah, dabadeed isaga lagu meheriyo, dabadeed uu boqorku gabadha habbeenkaas arooso, isla subaxii marka uu baryana la dilo gabadhii xalay la soo aroosay.

Boqorkii wuxuu gabar yar subaxii seef ku bireeyaba, gabar uu dhalay boqorka raysal-wasaarihiisa ayaa aabaheed ka codsatay in iyada beri boqorka lagu meheriyo “Aabbe miyaad waalatay, naftaada miyaad nacday” ayuu Raysalwasaarihii gabadhiisii isagoo qaylinaya ku yiri .. “Maya Aabbe” ayay gabadhii aabaheed ku dejisay, “Wax dhib ah iiga imaan mayaan waana ku faraxsanahay inaan doorto inaan hal habbeen boqorad noqdo”.

Raysal-Wasaarihii dalabkii gabadhiisa gaashaanka ayuu ku dhuftay, laakiin gabadhii waxay aabaheed u sheegtay in iyadu gacanteeda isku dilayso haddii aabaheed uusan u ogolaan inay hesho waxa ay doonayso.

Aakhirkii Raysal wasaarihii wuxuu goostay inuu gabadhiisa doonisteeda ogolaado, subaxii ku xigayna waxaa la geeyay qasrigii boqorka .. Boqorkii waa la yaabay gabadha wasiirku dhalay oo loo keenay. dabaeed Raysal wasaare ayuu weydiiyey oo ku yiri maxaad ku keentay inaad gabadhaada maanta ii keento keento .. Aabihi gabadhaha ayaa boqorka ugu jawaabay:“Boqor gabadhaydu iyadaa dooratay inay waddadaan marto, cid ku qasabtay ma jirto”

“Waa hagaag haddii ay calafkaas dooratay” ayuu boqorkii hadalkii ku xiray.
Wax yar ka dib gabadhii boqorkii waa lagu meheriyay, isla habeenkiina waa loo galbiyay. Laakiin maxaa dhacay? Gabadhii boqorku aroosay saakay waxay sii kaxaysatay walaasheed ka yar oo ay ka codsatay inay habeenka ay nooshahay qasriga boqorka kula hoyato. Waxay walaasheed ka codsatay in salaadda subax inta aan la adimin ay toosiso oo ay ku tiraahdo, “Walaashayda qaaliga aheey sheekadii macaanayd ee aad ii waday ii dhamaystir inta aadan dhiman”.

Fiidnimadii markii ay tageen qasriga boqorka ayay boqorka ka codsatay in gabar yar oo walaasheed ah ay doonayso inay caawa kula hoyato qasriga si ay aakhirka u macasalaamayso inta aan la dilin. Boqorkii waa ogolaaday codsiga xaaskiisa caawa kaliya qorshuhu yahay inay la joogto,Sidii qorshuhu ahaa intii aan salaada loo kicin aroortii ayay gabadhii yarayd ku soo kalahday walaasheed oo boqorkii la huruda.“Walaashayda Qaaliga aheey inta aadan dunida ka tagin,  ii dhamee sheekadii macaanayd oo qabyada ahayd”.

“Boqoroow fadlan inta aanan la i khaarijin ii ogoloow inaan walaasahay u dhameeyo sheekada ay xiisaynayso”,  ayay boqorka xaaskiisii ka codsatay saygeedii.
Boqorkii waa yaabay oo wuxuu iskula hadlay, “War maxay tahay sheekada sidaas loo xiisanaynayaa, malaha waa sheeko macaan”
“OK”. ayuu boqorkii yiri, “Aniga xitaa bal waan idin la dhagaysanayaa ee bilow sheekada hadda”
Sheekadii ayaa halkaas ka bilaabatay ilaa barqadii ayay socotay. Iyadoo sheekadii socoto ayaa waxaa albaabka soo garaacay ninkii daldali lahaa gabadhii xalay la aroosay, laakiin boqorkii aya il-xun ku eegay oo ku yiri “mar danbe hasoo noqon”

Sheekadii gabadhii waxay ku joojisay meel macaan oo kala-dhac dhiman yahay oo ay tahay qofku inuu ogaado meesha wax ku danbeeyaan.“Haye” ayay gabadhii yarayd iyo boqorkii isku mar yiraahdeen iyagoo doonaya in sheekada hoobiskeeda lasoo gunaanado laakiinse Boqoradii waxay tiri, “Sheekadu halkaas ha joogto, waxaan dhamaystirayaa beri subax”.

Boqorkii isagoo samal-haadsan ayuu ogolaaday in dib loo dhigo deldelida gabadhii uu xalay aroosay oo ay ahayd inaan libidhadu u soo bixin subaxaas.
Waxaa la yiri gabadha boqorku guursday waxay sheekooyinkaas xiriirka ah subax kasta tirinaysay ilaa iyo kun habbeen.