Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Dacwadi Odinga Dhag Jalaq Looma Siin .. Faysal Cali Waraabe Oo Sidi Caruur Oohin Iyo Cabaad Isku Daray .. Ruto Waa Fidhi-cilanaaya Kadib Marki Maxkamadi U Aqoonsatay Madaxweynaha Kenya

Monday - September 5, 2022




Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa taageertay natiijada doorashadii uu ku dhawaaqay guddiga doorashada Kenya, taas oo ay ku sheegeen in William Ruto ku guuleystay doorashada madaxweynaha Kenya.
Maxkamadda ayaa diiday dooddii Ra’isul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga oo ku eedeeyay in Ruto ku shubtay doorashadii dhacday 9-kii Ogosto.

“Tani waa go’aan loo dhan yahay. Codsiyadii kale waa la laalay, taas awgeed waxaan ku dhawaaqeynaa jawaab-celin in Ruto yahay madaxweynaha la doortay,” ayay tiri guddoomiyaha maxkamadda sare Martha Koome.

Go’aankan ayaa soo afjaray hubanti la’aan siyaasadeed oo toddobaadyo ka jiray Kenya, waxayna uu dhabar-jab ku noqotay musharraxa mucaaradka Raila Odinga .. waa la soo gebagebeeyey socdaalkiisii siyaasadeed, xitaa waxa la waayey hal xaakin oo dacwadiisii taageera, wax caddayn u eg wuu keeni waayey!!!

Arrintan Odinga iyo taageerayaashiisa oo u ka mid yahay saaxiibkiisa Feysal Cali Waraabe waa u murugo iyo hoog, waxaanu 25 sano ku jiray shiddo iyo khasaaro keliya ah.