Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Waagi Soo Beryaaba Waayo Leh .. Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Beesha Hawiye Dalab Adag Hordhigay .. Oo Muxuu yahay Dalabka

Wednesday - September 7, 2022




Sida ay xaqiijinayaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Faderaalka, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay kulan ugu yeeray xubno gaaraya 12-15 xubnood oo ka soo jeeda Beesha Hawiye, waxaana uu usoo qadimay dalab ay qeybo kamid ah dood ka soo celiyeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u sheegay xubnahan uu la kulmay in uu doonayo in la abaabulo shirweyne beeleed (Hawiye) oo ay yeelanayso beesha uu ka soo jeeda Madaxweynuhu, kaas oo lagu qabanayo dawlad gobaleedyada Galmudug ama Hirshabeelle, ujeedadiisuna ay tahay in dagaalka ay dawladdu kula jirto kooxaha Argagixiso laga bedelo in lagu howlgalo magaca dawladda balse laga dhigo mid beeleed oo ay Jifooyinku dagaalkan qaadan, dhaqaalaha iyo hubkana ay bixiso dawladda Faderaalka.

Xubnahan ayuu Madaxweynuhu xalay ka codsaday in ay iskugu yeeraan marka koowaad, xildhibaanada labada aqal iyo wasiiradda kasoo jeeda beesha, ka dibna ay diyaariyeen Shirweyne guud oo beeshaas yeelato.

Lama yaqaano sababta kaliftay in Madaxweyne Xasan, uu abaabulo in beeluhu ay noqdaan cida la dagaalamaysa Al Shabaab, xili uu dhawaan sheegay in ciidamada dawladdu ay qaadi doonaan guluf colaadeed oo ka dhan ah kooxdan Argagixiso.