Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Allahayow Hooyooyin-keena Dadaal Kuma Yare Caruurta U Caafi .. Waa Sheeko Dhaba Oo Ka Dhacday Kenya

Friday - September 9, 2022



Waxaa ii Sheegay Takhtar oo Yiri: Hadda ka hor, caruur iskuul ka timid ayaa waxaa soo weeraray Eeyo, laba caruurtii ka mid ah ayay qaniineen, mid caruurta ka mid ah wuxuu ahaa Soomaali, kan kalane Keenyaati, waxaana la keenay isbitaalkii aan ka shaqeynayay. 

Hooyadii dhashay cunuga Soomaaliga ahaa ayaan waraystay maadaama aan arkay in nabarrada ay wax soo marisay, waxayna ii sheegtay inay Liin dhanaan ay ku soo dhiijisay, kuna soo xoqday meelaha uu Eeyga ka qaniinay cunuga, kadibne saliid aan hilmaamay magaceeda ayay soo marisay .. halka cunuga kale sidiisii isibtaalka loo keenay. 

Hooyadii soomaaliga ahayd waan ku canaantay sababta ay nabarrada u fara-faraysay oo ay Takhtarka taladiisa u sugi-waysay. kadib caruurtii waa la tallaalay, xaafadda ayaana loo diray, dhowr maalmood ka dib mar ay u soo laabteen tallaalkii oo wax uga dhinnaa, ayaa la ii keenay wiilkii keenyaatiga ahaa oo nabrihiisu caabuq qaadeen, kii kalane ay raysteen .. waraysi labaad iyo baaritaan kadib waxaan gadaal ka ogaaday in Liin-dhanantu ay tahay jeermis-dile, awood dhimisne ku samayso feyraska "Rabies" ee laga qaado calyada eeyaha".

Wuxuuna dhakhatarkaas i weydiiyay isagoo yaaban, sida ay hooyadaasi ku ogaatay in Liin dhanaanta lagu daaweeyo qaniinyada Bahalada, waxaana ugu jawaabay in bulshadeenu ay cilmigaan ka dhaxleen awoowa-yaasheennii hore, waxaana intaa u raaciyay saliida ay soo marisay loo yaqaano "Xabad-sawda" taasoo aan ka yareesan Liin dhanaanta xagga waxtarka, waxaana kula taliyay inuu dib u baaro miraha "Blackseed" ee laga shiido saliidda xabad sowdada..".

Allow, Hooyooyinkeena dadaal kuma yareey, caruurta u caafi