Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Cadaabaha Dabkood Iyo Allow Naar Ha Nagu Daadin .. Qiiso Cajiib Kuna Waano Qaado

Thursday - September 22, 2022




Maalin maalmaha ka mida Haweeney ayaa soo ag martay nin maskaxda ka naafo ah UL haysta oo dhulka wax ku sa sawiraya, Haweyneydi Qalbigeedii ayaa u naxariistay ninkii oo waxay weydiisay: maxaad halkan ka qabanaysaa walaal ?

Wuxuu yiri: Waxaan sawiraa Jannada oo waxaan u kala qaadaa qaybo, dedna intay dhoolla caddeysay bey ku Tiri : Ma qaadan karaa qayb ka mid ah ? Waase imisa?

Ninki Intuu eegay ayuu ku yiri: Haa,qaybtii waa labaatan dolar .. Waxay siisay hawenaydii Labaatan dollar iyo xoogaa cunto ah wayna tagtay ..  Haweyneydi Habeenkii markay seexataywaxay ku aragtay Riyo iyada oo jannada ku dhex dabaalaneysa oo leh Alla ma waxaano dhan oo nicmo ah baan mudanahay

Subaxdii, marku waagu beryay waxay uga sheekaysay Riyadedii ninkeeda waxayna uga warantay qisadii dhex martay iyada iyo ninkii naafada ahaa .. Ninkii oo ka qiirooday xaasiska Janada heshay ayaa kacay oo u tegey ninkii si uu qayb uga soo iibsado janada uu dhulka ku sawirayo. Markaasuu ku yiri: Waxaan doonayaa inaan iibsado qayb Jannada ka mid ah, waa imisa?

Ninkii wuxuu yiri: Anigu ma iibinayo jano .. Ninkii wuu yaabay oo wuxuu ku yiri: Shalay waxaad Xaaskeyga ka iibisay qayb Labaatan dolar ah

Ninkii Walaa wuxuu yiri: xaaskaagu jannada kuma ay doonaynin Labaatan dollar Laakin waxay dhawrysay oo ay ilaali-naysay aniga qalbigayga iyadoo ii naxariisanaysa, Adiguna waxaad dooneysaa oo keliya Jannada, Jannaduna ma laha qiime go'an Sababtoo ah soo galitaankeedu waxaa lagu helaa "kabida iyo ilaalinta qalbiyada." ee Qalbiyada iyo fikradaha dadka kale dhawra ilaaliya ixtiraama ilaahay ayaa wuxuu ku dhex bad-baadiyaa khatar kasta oo ku xeeran .

Ninkii isagoo ilmaynaya gartayna inayna wax siintu ahayn muhum laakin ixtiramka iyo dhawrista qalbiyada dadku tahay guusha ayuu iska tagay gurigisii.

Akhiristow, Shay dhibyar oo aad jana ku heli aan ku shegee waa Saliga Nabi Muxamad scw.