Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Kibirow Kab Iga Tuur .. Deni Oo Marba Marka Ka Dambeysa Sii Afar-qaadaya Oo Kolba Faraskiisa Buur Iyo Banaan Jaantaa Rogan U Eryaaya .. Deni Oo Sii Raabsanaya Aaran-Jaan

Saturday - September 24, 2022




Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni ayaa xalay xilalka ka qaaday xubno sare oo kamid ah Golaha Wasiirada Puntland, kuwaas oo kamid ah gaashaanbuurta AARAN-JAAN, oo dhisay doorashadii 2019kii.

Wareegtooyinka Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galaaftay Xasan Shire Abgaal, oo ahaa Wasiirka Maaliyadda Puntland, sidoo kalena lagu tilmaami-jiray Wasiirka idman ee Madaxweyne Deni, saameyna ku dhex-lahaa go’aanada sare ee Puntland.

Sido kale Xasan Shire ayaa kamid ah xubnaha sare ee AARAN-JAAN, kuwaas oo Siciid Deni ay is weydaarteen kaddib doorashadii 15kii May ee sannadkan ka dhacday Teendhada Afisyoone, taas oo uu guuldarro weyn kala soo kulmay Hoggaamiyaha Puntland oo ahaa Musharrax Madaxweynaha Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa guuldarrada doorashada Mogdisha kas oo gaartay amase dusha u saaray saaxiibadiisii siyaasadda ee AARAN-JAAN, isagoo ku eedeeyay inay ka daba shaqeeyeen, una adeegayeen musharrax kale, ayna ka kaxeysteen Xildhibaano fara-badan oo uu kala tagay Garoowe.

Dina kale, Madaxweyne Deni ayaa horaanti bishaan Septembar xafiiskiisa ka ceyriyay wiilka Cabdiraxmaan Faroole! kaaso ahaa la-taliyaha Arrimaha Amniga ee xafiiska Madaxweynaha, Maxamed Cabdiraxmaan Faroole, kaas oo ah wiilka Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole.