Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Qofka Noloshiisa Waxaa Ka Hara Raad Iyo Taariikh Waarta Aan La Tir-Tiri Karin .. Raiisal Wasaarihi Hore Ee Malasiya Oo Isaga 97 Jir Ah Xil U Tartamaya

Wednesday - October 12, 2022



Mid ka mid ah siyaasiyiinta adduunka ugu khibradda badan, Mahathir Maxamed, ayaa shaaciyay in uu u tartami doono baarlamaanka doorashada guud ee Malaysia .. Mahathir Maaxamed ayaa waxaa ay imika da'diisu tahay 97 jir.

 Mr Mahathir ayaa labo jeer soo noqday ra'iisul wasaaraha Malaysia, waxaana mudda xileedkiisii ugu horreyay uu xilka hayay muddo 22 sano ah.

 Mar kale ayaa loo magacaabay xilka rai'sul wasaaraha 2018 markaasi oo uu 92 jir ahaa. Waxa la dhigay isbitaalka horaantii sanadkan isagoo xaalad dhanka wadnaha laga daweeyay, balse waxa uu sheegay in uu hadda aad u wanaagsan yahay oo uu difaacan karo kursigiisa .. Mahaatir Maxamed Ma uusan sheegin in uu rai'sul wasaare noqonayo haddii isbahaysigiisa ay doorashada ku guulstan.