Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Jimce Wanaagsan Jimce Barakeysan .. Waa Qiiso Kaa Fajcin-doonta Oo Ku Saleysan "Xaq Soorka Eebe"

Thursday - October 20, 2022




Waa Dhacdo Qoran Oo Dharaar Walba Lagu Xasuusto Arlada Ciraaq .. Waxaa jiray Nin ku shaqeysan-jiray Doon yar oo dadka u kala gudbisa labada Daan ee Wabiga .. Dadka ay doonta raaci jiray waxaa ka mid ahayed Gabar yar oo qurux loo dhameeyey, oo u muuqatay mid guur u firaneysa . Ninki Doon-wadaha ahaa wuxuu ku hamiyey inu gabadhaas doono guursadana, sidaa daraadeed wuxuu arintaas kala tashaday hooyadiis oo ay guri ku wada noolaayeen.

Habarti hooyo waxay u tagtay reerki Gabadha dhalay, waxayna ka codsatay in gabadha loo siiyo wiilkeeda, hasa-ahaate reerki waxay quursadeen awooda dhaqaalle ee wiilka oo ma ay aqbalin soo jeedintaas, balse gabadhi si haleel ah waxay ugu guuriyeen nin kale oo xigtadooda ah.

Muddo markay ka soo wareegtay oo wiilki u iska iloobay gabadhi, wuxuu maalin dambe arkay Gabadhi loo diiday oo ilmo yar sidata oo Doonta sugeysa si ay Daanta kale ee wabiga ugu gudubto, mana jirin waqtigaas cid kale oo goobtaasi ku sugneyd amase doonta sugeysay .. Doon-wadihi sheydaan ayaa khuukhiyey waxuu is tusay iney soo martay fursad u gabadhaan ku kufsado, sidaa daraadeed wuxuu si haleel ah u qaaday gabadhi iyo ilmaheedi wuxuuna u leexsaday Biyaha moolka ee wabiga, halkaaso gabadhi iyo ilmaheedi ku kufsaday, dabadeedna intu gawracay ayuu hilib-koodi oo jarjaran wabiga ku daadshay, oo quraac iyo qado ugu dhigay Yaxaasyadi halkaa ku noola, isla markaana goobti u ka shaqeysanaayey dib ugu soo laabtay oo iska dhigay caadi.

Reeeki gabadha dhalay wax kasta oo ay sameeyeen waa suragali-weyday iney wax raad ah gabadhaas meel ku sheegaan .. waa ka quusteen oo ibtilada dhacday iLaahood u samreen .. Ninki Doon-wadaha ee Gabadha iyo ilmaheeda dilay sida u mar dambe sheegay waxaa la xumaatay shaqadi u ku jiray, waayo sida u sheegay qadar iyo qoomamo waxaa u la adkeysan-waayey falki foosha xuma u gabdhaha ku dilay, oo habeen kasta gabdhahaas iyagoo gudaaya soo hor-istaagaya, taaso caqabad ku noqotay shaqadi u ka hayey Wabiga, sidaa daraadeed wuxuu door biday inu shaqada Doonta ka badasho oo markiiba u badashay xirfada Hilib qalka xoolaha , xirfadaas oo habeenki waqtiyada dambe u ka shaqen jiray.

Habeen Habeenada ka mida goor ay aroor Edaanka waaberi ku dhaweyd oo shaqadiisi xoola-qalka kalahaada ka soo laabtay marayana xaafada dhexdeeda wuxuu maqlay qaylo iyo taah ka soo yeeraya aga-gaarka u maraayey, markiiba waa u ku leexday, wuxuuse la kulmay nin gawracan oo dhiig ka socdo, markaasu ninki u gargaaray oo gacmaha ku qabtay, isla waqtigaas waxaase goobti soo gaaray dadki xaafada iyo Boliski oo iyaguna gurmad ah, waxayna qabteen ninki gurmadka ahaa oo loo qaatay inu isagu ninka dilay, waxaana sidaas loogu qaatay Midiyihi u watay qaarkood ee koleyga ugu jiray oo ku daatay ninka dilan korkiisa iyo dhiigi oo ku firdhay niniki gurmadka ahaa. 

Ugu dambeyn waxay baaris socotaba, Ninki oo eedeysan ayaa maxkamada la keenay, waxaana dadki xaafada iyo Boliskiiba ku marqaati fureen in dilka ninkaas isagu ka dambeeyey, sidaasna maxkamadi waxay ninki ku xukuntay dil daldalaad ah .. Ninki la eedeeyey marku maqlay go'aankaas maxkamada, wuxuu codsaday in hadal loo ogolaado waxaa la yiri soco oo hadal, wuxuu yiri:  Aniga waan aqbalay xukunkaan igu dhacay maxaa yeelay Allaha xaq soorka ah ayaa igu xukumay oo waxaa la iiga qasaasaya hadda ka hor dil aan ku sameeyey Gabar yar iyo hooyadeed oo dadkeedi illa iyo hadda ay la'yihiin, wuxuuna halki uga warbixiyey qaabki foosha xumaa oo u ku dilay .. wuxuu halki ka sheegay in ninka lagu soo eedeeyey usan isagu dilin ee kaliya u gurmad ugu yimi, balse xikmada eebe ay tahay in dilka iyo falaadka aan gabdhahaas u geesystay la kashifo lana ii qasaaso.

Akhristow, aduunyada aan ku noolnahay wey wareer badan-tahay oo mixnadeeda lagama dhamaado oo waxaas iyo wax la mida ayaa maalin-kasta sheydaanka walhinaya oo laabta wasakh uga shubaya .. Arintu si kastaba ha ahaate, Si Kastaba Oo Ruuxa Bini-aadamka ihi wax ku raadiyo ilaahay ayaa ugu ballan-qaaday inu ku arsaaqo .. Xakiimow Allahayow Nagu Xoree Diinta oo nagu kaalmee malaaiigat karamka leh