Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Jimca Wanaagsan, Jimce Barakeysan .. Qiiso Wiil Yar Oo Dhaxalkiisi Dhaafsaday Ducada Aabihiis

Thursday - October 27, 2022



Waxaa jiri jiray Nin ku magac dheeraa Xaaji Xasan oo ahaa ganacsade dadku jeclyihiin, wuxuuna lahaa Bakhaaro iyo dukaamo waaweyn fara-badan .. Xaaji Xasan wuxuu kalo lahaa Afar wiil oo hanaqaad ah oo u jeclaaha kuna dadaali jiray inu korimadooda iyo danahooda ilaaliyo, wuxuu isla markaa baray diinta iyo habka dhaqaalaha loo maareeyo, sidaa daraadeed hawlaha ganacsiga badanaa iyagaa maamuli jiray isaguna waa Aabe ka ahaa kormeere

Odaygi Aabe si un lama filaan ah ayaa ugu dhacay Faalug " Stroke" oo xaga maskaxda markiiba ka asaasaqay illa u odagi marki dambe sariirta ku soo aruuray oo in loo adeego mooye noqday nin aan waxba qabsan-karin, hadaba maa-daama odagi muddo jiranaa waxaa ilmihiisi ay ka caajiseen wax u qabadkiisa, gaar ahaan Sadexdi Wiil ee waaweyneyd waxay bilaabeen in ay odaga iska ilaawaan, oo xaga balwada u bateen, sido kale wixii ganacsi Odugu lahaa intoodi badneyd wey ku khamaareen, oo ku tamashleeyeen, hasa yeeshe Wiilki ugu yaraa Afartoodi wuxuu aad ugu qanacsanaa xanaaneynta Aabihiis oo maalin walba goor kasta iyo saacad kasta aabihiis waa u kor taagnaan jiray.

Rag iskuma jire waa la kala horeyaaye .. Wiilkaas oo magaciisa la oran jiray Nuur-Xuseen, marku arkay sag-saagnimada kaga jirta xaqa aabahood iyo sida munaafaq-nimada daacada ahayen ee ay ula dhaqmayaan waalidka .. kadib dood talan-taali ah dhex martay Afarti wiil wuxuu wiilki yaraa talo u soo jeediyey Sadexdi Walaalhiis una soo bandhigay iney kala doortaan Laba arimood midkood oo yiri: Rag Qawl baa xire Qofki aabihiis ku hara oo xanaaneeya dhaxalka Aabe waxba kuma lahaan-doono, balse ducada aabe ayuu qaadanaya, laakiin Qofki ka gaabsada xanaaneynta wuxuu wax ka dhaxli-doona xoolaha waalidka.
Dhamaan Sadexdi wiil oo aabahood horay uga sag-saagay waxay yiraahdeen hadey saas tahay waxaanu dooranay inaan isaga tagno Aabe oo hadaw dhaxalka la wareegno .. Wiilki yara ayaa isagana dhiniciisa yiri Oky aad iyo aad baan idin ku hamblyeynaya oo aniga waxaan doortay inaan Aabe ku haro oo illa u ka dhinto aan anigu nafta u huro.

Wiilki Yaraa wuxuu aabihiis daryeelaay muddo Labaatan sano ah wax walba u qabanaayey .. ugu dambeysti Odagi wuxuu xanuusadaba wuxuu ku geeriyooday gacanti wiilkiisi yraa .. Wiilki yaraa sidu hashisku ahaa dhaxalki Aabe waa laga qadiyey oo wixii hanti ahaa waxaa kala qaybsaday Sadexdi wiil ee xanaaneynta Aabahahood dibada ka ahaa.

Wiilk yara oo waqti duruufa dhaqaale xumo soo wajahday wuxuu xaabo wareejiyaba, wuxuu habeen isago hurda maqlay hadal haatuf lagu oranaayo: War -yaa wiil Godka agtada ku yaal ka qaado Laba Dinaar .. Wiilki hatufkaas waa u ku salalay mase tixgalin oo wuxuu is yiri waa wax iska halalaasi ah oo hurdada iga qasaaya, sidaa daraadeed hurdadisi dib isaga laabtay .. markale ayaa haddana sidi oo kale loo khabray oo la yiri war wiilyahow Godka afkiisa labada dinaar taal ka qaado .. Markaan Wiilki yaraa isagoo yaaban ayuu subaxi godki soo kormeeray, wuxuuna halki ka helay Labadi dinaar ee haatifka loogu sheegay.

Wiilki oo run ahaanti waqtigaas dacdaro iyo gaajo la kuf-kufaayey wuxuu Labadi Dinaar la tagay suuqa Maleyga, waxaana halkaas uga hor-yimid Nin Laba Malaay gacanta ku sida oo naadinaaya .. wiilki yaa yiri halki xabo waa meeqa?, waxaa lagu yiri midkiiba waa hal dirham, sidaas awgeed labadi Malaay wiilki ayaa gatay oo gurigiisa la aaday, wuxuuna xaaskiisa ku yiri: Maleygaas noo qal .. nasiib wanaag malaygi kii ugu horeeyey marki la qalay waxaa calooshiisa ka soo daadatay Luul farabadan, halka kii kalana isagana marki la qalay ay ka soo daateen Luul cajaaib ah

Wiilki Qaybti Malaygi hore ayuu suuqa geeyey, waxaa ku soo xoomay dad wixi ka bac-mushtari jiray Luulka .. Dalaaliinti waxay la yaabeen nooca wanaagsan Lulkaan ee wiilku wato, waxayna ku yiraahdeen noocan Luulka waa Mudakar ee ma haysa Naagti? .. Wiilki wuxuu yiri Ha waan haya, dabadeed wiilki wixii Luul u watay waxaa laga siiyey malaayiin Diinaar, taaso u ku noqday ninka ugu hodansan dalkiisa illa u shirkadaha Luulka aduunka u madax ka noqday.

Aduunyey Hee Dheh .. Sadexdi Wiil faham guurka lagu riday ee Aabahood ku caasiyey dur-durki baa ka go'ay oo wixii hanti ay ku kibreen dabeylo ayaa qaaday