Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Barashada Caafimaadka .. Waa Maxay " Depression" Isku Buuq

Wednesday - November 2, 2022



Depression ama Iskubuuqu waa xanuunka niyad-jabka oo sababa dareen murugo joogto ah iyo luminta xiisaha nololeed sababi karana inuu qofku is-dilo,waxaana lagu qiyaasa dadka dunida ku nool inuu hayo in ka badan 280 million)oo qof , halka 700,000 oo qofna is-dilaan sanadkii sida ay xustey hay'ada caafimaadka aduunku(WHO)

Hadaba  Maxaa sababa isku buuqa?

1-Dhaqaale la'aan

2-kufsi loo geestey

3-Takoorid bulsho ama xaafadeed

4-Xanuun in badan hayey

5- isticmaalka Maandooriye

6-Dhacdooyin xunxun oo qofka soo marey

        Calaamadaha lagu garan-karo isku-buuqa

1) Inuu qofku dareemayo bilaa rajo nololeed

2) murugo joogta ah

3) Xiisaha iyo farxada oo uu lumiyo

4) Awood la'aan

5) Caro joogta ah ama xasilooni daro

6) Naftiisa oo aanu daryeeleyn

7) Oohin iyo ciil-qabnimo

         Tallo bixin

1) Koleyba hadaad muslin tahay, Waa inaad ilaahey ku xirnaata, kuna dadaasha akhrinta quraanka iyo fahankiisa.

2) Jimicsi joogto ah maalintii 30 daqiiqo

3) Hadii aad isku aragtid calaamadahan booqo Takhaatiirta ku takhasustey xanuunada maskaxda iyo cilmi nafsigaba

Dr. Mohamed Aden Ali