Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Macluumaad Muhim Ah .. Dawlada Kanada Oo Qaadaneysa Hal Malyan Iyo Bar Oo Shaqaale ah

Saturday - November 5, 2022




Ottawa-Kanada: Wasiirka socdaalka ee dalka Canada ayaa shaaca ka qaaday in dalka Canada looga baahan yahay shaqaale dheeraad ah.'eeg, way fududahay, Waxaan u baahanahay dad badan.' ayuu yiri wasiirka socdaalka, Sean Fraser.

Wasiirku wuxuu hadalkan sheegay mar uu furayay qorshe lagu soo dhaweynayo ku dhawaad ​​1.4 milyan oo soo galooti ah saddexda sano ee soo socota.

Canada waxay soo dhaweyn doontaa 465,000 qof oo ay daganaashiyo rasmi ah siin doonto, sanadka 2023,sida uu wasiirka sheegay. Sannadka 2024, 485,000 ayaa dalkaasi lagu soo dhaweyn doonaa, halka sanadka 2025, shan boqol oo kun oo qof oo kale ay tagi doonaan dalka Canada.
Tani waxay ka dhigan tahay in qorshihii hore ee dawladda Canada ee dib u dejinta dadka qaxootiga ah uu kordhay boqolkiiba 13.

Ujeedada ugu weyn ee hindisahan dowladda Canada waa in la buuxiyo boosaska ka banaan waaxyaha kala duwan ee shaqooyiinka.

 Waxa jira kumanaan shaqo oo ka bannaan shirkadaha kala duwan ee dalkasi kuwaasi oo aan wali la buuxin. Xaaladdan Canada ayaa gabi ahaanba imika ka duwan siyaasadda socdaalka ee Maraykanka iyo Ingiriiska.

UK ayaa si weyn loogu dhaleeceeyay siyaasaddeeda socdaalka, halka Mareykanku uu dhawaan qaaday tallaabooyin uu ku adkeynayo hay'adaha socdaalka.

 Wasiir Sean Fraser ayaa sheegay in iyada oo loo marayo qorshaha cusub ee socdaalka Canada, ay hadda gacan ka geysan doonto sidii loo heli lahaa shaqaale ka shaqeeya qaybo kala duwan ee dalka.

Mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee ka dambeeya qorshahan cusub ayaa ah in boosaska shaqo ee bannaanaaday intii lagu jiray feyriska Covid-19 aan dib loo buuxin.

Ilaa hal milyan oo reer Canada ah ayaa hadda shaqo la'aan ah, sababta oo ah ma awoodaan inay shaqeeyaan ama ma doonayaan inay qabtaan shaqooyinka hadda suuqa ka jira.Taasi waa sababta Canada ay uga baahan tahay shaqaale dibadda dalka ka yimaada.

Isbeddelkan ka sokow, dawladdu waxay muujisay in dad badan oo Canada u dhashay ay ka tagayaan shaqooyin-kooda, taas oo abuuraysa in boosas badan ay banaanaadaan ayna tahay in la buuxiyo.

Waxaa intaa dheer, in dowladda Canada ay imika doonayso inay dedejiso barnaamijku dib u dejinta qaxootiga kuwaas oo hadda ku tiirsan kaalmada dowladda.

Hadaba waa noocee dadka ay dowladda Canada raadinayso

- Xirfadlayaal Caafimaad, barnaamijka komputarada ee software iyo Hoteelada Ma ahan markii ugu horeysay ee Canada ay furto xuduudaheeda si ay u soo jiidato soo galooti badan, balse waa markii ugu horeysay oo tiro intan dhan ay u baahato. "Dadka Canada waxay fahmeen baahida loo qabo in dadkooda ay kordhaan," waxaa sidaasi xafladdii furitaanka mashruuca cusub ka sheegay wasiirka socdaalka Sean Fraser.

"Waxaan dabooli doonnaa baahida xoogga shaqaalaha, aan isku dheellitirno isbeddel bulsho aana dib u mideyno qoysaska.' ayuu intaa ku daray wasiirku

Inkasta oo dawladdu ay muujisay in yaraanta shaqaalaha xirfadda leh ay saamayso dhammaan qaybaha dhaqaalaha Canada, xogta laga soo xigtay daraasadda dawladda ayaa muujinaysa in mid ka mid ah qaybaha ugu badan ee ay shaqaala la'aanta saameysay ay tahay dhanka adeegyada caafimaadka.

Qeybtaan waxaa ku xiga dhismaha, wax soo saarka, Huteelada iyo dalxiiska. "Waxaan u baahanahay shaqaale badan oo ka shaqeeya dhammaan qeybaha kala duwan ee gobollada dalka, hadday yihiin shaqaalaha adeega caafimaadka , darawallada gawaarida xamuulka, kuwa guryaha dhisa (tusaale ahaan shaqaalaha) ama injineerada software," ayuu yiri Shaun Fraser.

Xisbiga Conservative-ka ee Canada oo ka soo horjeeda xukuumadda Justin Trudeau, ayaa dhaleeceeyay go'aanka dowladda ee lagu dhawaaqay toddobaadkan, laakiin waxay qireen baahida loo qabo in la furo socdaalka.