Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Beeb Jabay Oo Biyuhu Burqadeen .. Khawaarijti Quran Dhurwaaga Xaraf-Xaraf U Soo Higaadin Jirtay Talaa Ku Baraahsatay .. Hogamiyashi Shabaab Waa Kala Jabeen Oo Bilaabeen Iney Balaayo Isku Habaaraan

Wednesday - November 9, 2022




War la hubiyey ayaa soo shaac baxay oo lagu sheegaayo in Hogaamiyaashi Khawaarjita Al-shaabaab ay laba dhinac fikir ahaan u kala yaaceen,taaso keentay in la wayo cid hawlgalinti dagaalka al-shaaba wax amar bixisa oo qoloba dhinaceeda ka gaabsatay qorshihi iyo hawlgalki dagaalka

Waxaa la sheegaya in golihi shabaab fikir ahaan lagu kala jabay kadib marki qaar ka mida hogaamiyaasha soo jeediyeen hadalo oranaaya "Xaalada taagan miisaankeeda waa maalin madow oo meel ino fiyow ma jirto, waxa dagaalamaya waa dhalinyaradi hawiye dhexdiise ee sidaas daraadeed dheesha aan u badalno heeshiis qabiil lala galo beelweynta hawiye, oo haddi taas la diidana meesha khalkhal baa imaan-doona, hasa-ahaate qaar iyaga ka mida ayaa soo jeedintaas u arkay mid Maro iska xoorid ah oo bisinka laga qabsadoo aan marna la aqbali-karin" waxayna qoladaan dambe diidmadooda ku saleynayaan oo ay leeyihin " Xero qabiil guntiisa horaa loo soo taabtay ee Jihaadka al-shabaab waan sii laba-laabi karna maa-daama aan haysano weli taageerada shisheeye iyo kalsoonida shacabka dibad iyo gudo oo waanu wadi-karnaa dagaalka ee cabaadka iyo qururuf-leynta ha la daayo "ugu dambeyn doodaa murankeeda waxay keentay in mid walba oo ka mid hogaamiyaashaas u jiho aan la aqoon u dhaqaaqay

Warkaan oo si qarsoodi ah laga xigtay Amiir dhaawac la qabtay, ayaa sheegay in marki higtu yeertay ay horjoogayaashi shabaab markiiba wada yaaceen .. oo awoodi shabaab guud ahaan hakaas ku jabtay dhabarka jeediyeen, isla markaana aysan jirin wax hogaamin ah oo dhinacooda ka shaqeyneysa .. Amirkaan oo loo ballan-qaaday in haddi sida runta ah wax u sheego la siin-doono xurayadiisa ayaa hadalkiisi ku sheegay in ay jiraan madax badan oo ka mida dawlada ay la shaqeyaan Shabaabka oo intood badan ay ciidamada ku dhex qasan-yiihi, halka kuwa kalana ay ka shaqeyaan maamulka wasaaradaha .. wuxuu kalo sheegay in maleeshiyaadka shabaab macaluul darteed gaajadu dubatay oo aysan lahayen tabar ay ku dagaalamaan, taaso u ku dhiiriyey inaan laga harin oo dhibkooda la soo afjaro