Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Jimca Wanaagsan Jimce Barakeysan .. Waa Taxanihi Qaybti Labaad Ee Qisadi "Wixii Alla Qadaro Cidna Ma Celin-Karto"

Thursday - November 17, 2022




Qisadi Labaad .. Sheekadu waxay mareysay Xaakimki Gavarnarka oo warqadi boqorka soo gaartay, kadibna marku akhristay, wuxuu amray in ogeysiis ahaan ummada durbaan loo garaaco oo wiilkaan alalagtiisa arooska la diyaariyo loona guuriyo gabadha boqorka oo degan magaalada .. waxaa la sameeyey xaflad soconeysay mudo Todobo casho ah oo wixii cunto iyo cabtaan laga dhigay Free, oo sidaas ayaa wiilki iyo gabadhi boqorka ku aqal galeen.

Boqorki dalka hal sano kadib ayuu booqasho ku soo gaaray degaanki gabadhiisa ku nooleyd, halkaaso soo dhaweyntiisi u la kulmay Wiil usan aqoon oo loogu yeeraayo Amiir .. boqorki ayaa weydiiyey kolkolinta wiilkaan caga-baruuka hor buubaaya iyo sida Askarta dabada ugu ruxeyso .. muxuu yahay buu yiri: wiilkaan durbaanka loo garaacayo ee la isku hoos galinaayo? jawaabti waxaa lagu yiri waa wiilki aad tiri: Su'aal La'aan Iyo Jawaab La'aan gabadheyda ha loo guuriyo oo aad ku soo qortay warqadi aad u soo dhiibtay .. Boqorki oo Dhafoor xogasho iyo Gar la rifa wala-sham ka soo hartay ayaa si yaaba isu weydiiyey in gabadhiisa khudba-sireed lagu qabo, balse la yaabay sida ay arintaan ku dhacday, isla markiina wuxuu baaristiisi ugu horeey-siiyey Gabadhiisa oo markaas Sagaal bilood fool taagan ahayed .. Gabadhi waxay aabeheed u sheegtay Runta iyo iney iyadu farsamadi dilka ay ku badashay guurka ay maanta hayso .. Boqorki oo yaabay iskana dhigay Nin gumoobay ayaa yiri: sidaan miyaan raali ku ahaan kara oo Boqortooyadi niman anigu dhalin amase u soo halgamin baa dhaxlaya miyaa

Nabsiga waa daruuraha cirka iyo dabeyshaas .. Boqorki oo fikir iyo faaqidaad habeenimo qaatay aya maskaxdiisa ku baadi-goobay waxa ay arintu noqon-doonto, wuxuu ogaaday sida wax u dhaceen iyo sida gabadhiisi qorshihiisi u badashay waa u yaabay oo hadana yaabay, ilaa u marki dambe ku qancay in Calafka iyo Qadarka Rabi wax kasta oo la sameeyo cidi badali-karin, wuxuuna qiray in wixii u kula kacay Wiilkaas ay ahayd Camal xaasidnimo iyo caado sheydaan .. boqrki oo aan dhalin wax Wiil dhaxal-suga ah ayaa geeridi ku timi, dabadeedna halkaas ayaa gabadhi oo lahayed dhaxalka ay isla markiiba ku wareejisay Jaceylkeedi qabay .. Wiilki oo duubki boqrtinimo loo caleemo-saaraayo waxaa loo qaaday heeski ahaa: Boqorow Kii Noo Hagaage Noqo Loo Han-weynyahay