Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Zelenski Waa La Gumeeyey .. Ukrine Oo Soo Wajahday Mugdi Baraf Iyo Qarqaryada Dhaxanta .. Shacabki Ukrine Oo Durbaba Caacda Bilaabay

Saturday - November 26, 2022




Ukraine ayaa Jimcihi mar kooban soo celisay qeyb ka mid ah awoodeeda tamarta, hase yeeshee wali waxa ay koronto la’aan heysaa malaayiin ruux oo wajahaya mugdi iyo qaboow aad u daran, kaddib marki ay ciidanka Ruushka duqeymo cirka ah ku burburiyeen warshadaha korontada.

Madaxweyne Volodymyr Zelenskiy ayaa ku boorriyay dadka reer Ukraine, inay korontada beekhaamiyaan oo aysan wax walba u adeegsan, haddiiba ay koronto helaan ..Wuxuu sheegay in 6 milyan oo ruux ay wali koronto la’aan yihiin.

Madaxda gobollada ugu daran ee ay saameysay koronto la’aanta ayaa dadka ugu baaqay in ay dalka ka baxaan, si aysan ugu dhiman gaajo iyo qabowga barafka xilliga qaboobaha ee foodda nagu soo haya.

Qabowga hadda ka jira Ukraine ayaa gaaray darajada ka hooseeyso Eber. Khubarrada ayaa ku tilmaamay duqeymihi uu Ruushka ku bartilmaameedsaday warshadaha awoodda tamarta Ukraine, kuwi ugu xumaa tan iyo marki uu billowday duulaanka Moscow ee Ukraine.